Click to Make Xusuus Your Default Page
 
 
Aasaasaha Facebook oo loo haysto dacwado E-mailo uu jabsadey
This article was Published at: 07-03-2010 and has been viewed 250 times
Aasaasaha aalada xiriirka bulshada ee Facebook Mark Zuckerberg ayaa lagu eedeeyey in uu jabsadey oo uu quftey e-mailada dad ay isaga soo horjeedaan hawsha uu wado iyo waliba saxafiyiin.

Zuckerberg madaxa Website-ka Facebook oo ah aalada xiriirka dadweynaha ee aduunka ugu horeysa ayaa la sheegay in uu laba jeer uu quftey xogta iyo sirta web site-ka BusinessInsider.com oo ah mid tartan kula jira web-ka Facebook ee xiriirka dadweynaha.

Zuckerberg oo sheegtey in uu leeyahay fikrada aasaaska Facebook waxaa hadalkaasi ku gacan sayrey ardey ay wax iska baran jireen Kuliyada Harvard’s kuwaasi oo ku eedeeyey ninkaasi uu ka xadey fikrad ay u soo jeediyeen in uu wax kala qabto oo aheyd sameynta web site bulshada aduunka isku xira, waxaana eedeynta lagu sheegay in Zuckerberg markii uu helay fikirkaasi uu iskiis u sameystey Facebook arintaasi oo ilaa iyo hada dacwada ku saabsan ay wali ka socoto maxkamadaha wadanka Mareykanka.

Wargeyska ay soo saareen ardeyda Jaamacada uu dhigan jirey Zuckerberg oo lagu magacaabo Crimson ayaa sanadkii 2004-tii waxaa lagu qoray maqaal isaga ku saabsan, waxaana la sheegay in uu xiligaasi jabsadey e-mailka wargeyska Crimson, sidoo kale waxaa eedeynta lagu sheegay in wiilkaasi quftey e-mailada wariyeyaal.

Web site-ka Business Insider waxay sheegteen in ay hada baaritaan ku hayaan wararka ku aadan in aasaasaha Facebook Zuckerberg uu jabsadey e-mail-ka ardey kale oo ka tirsan Jaamacada Harvard, kuwaasi oo ku doodaya in uu ka xadey fikirkii sameynta website-ka caanka baxay Facebook oo bishii ay soo booqato 400 milyan oo qof, isla markaana noqdey xiriiraha Internet ee dunida ugu caansan.

Eedeymaha loo haysto Agaasimaha Facebook waxaa lagu sheegay in ay ku kici karaan aduun lacageed oo gaaraya 65 milyan oo doolar.

Dacwad ay qaaday maxkamada Boston sanakdii 2007-dii waxaa lagu xukumay maamulka Facebook inay bixiyaan 65 milyan oo doolar taasi oo ku aadan eedeymaha maskaxdii sameynta Facebook, inkastoo qoraal ahaan iyo taariikh ahaan loo helay in xubno ay ka mid yihiin Dustin Moskovitz, Eduardo Saverin, and Chris Hughes ay kula qoran yihiin inay ka mid yihiin aasaasayaasha Facebook oo ay hada isticmaalaan 350 milyan oo qof oo dunida daafaheeda ku dhaqan.

Qaar ka mid ah ardeyda Kuliyada Harvard oo ay ka mid yihiin Cameron Winklevoss, Tyler Winklevoss, iyo Divya Narendra ayaa sheegay in uu qalday   Zuckerberg ka dib markii uu soo jeediyey in uu dhisayo web site ardeyda u dhaxeeya oo lagu magacaabo HarvardConnection.com, isagoo si hoose u sameystey web site-ka Facebook oo markii hore ardeyda kuliyadaasi ay ku wada xiriiri jireen markii dambana hadba qaab isku badalayey ilaa uu dunida maanta caan ka noqdey oo uu ku fadhiyo malaayiin doolar.

Business Insider waxay ku eedeyeen Zuckerberg in uu isagoo adeegsanaya Website-kiisa Facebook uu jabsadey e-mailada ardeyda Kuliyada ee ay iska soo horjeedeen isagoo ku helay e-mailadooda iyo passwaradooda xiriiriyaha Facebook taasi oo keentey in uu aqristey dhamaan e-mailadii la isdhaafsanayey oo qaarkood isaga wax looga sheegayey.

Maamulayaasha Facebook waxay ka gaabsadeen inay ka hadlaan eedeymaha uga yimid Business Insider, waxaana war ay siiyeen Jaraa’idka ay ku sheegeen inaanay dooneyn inay xiligan la doodaan dad ay sheegeen inay u socdaan inay eedeymo hore iyo war aan la hubin la soo doontaan madaxa Facebook.

Mowliid Xaaji Cabdi
mowliidsons@gmail.com

 
 
 
 
 
 
© Copy Right 2009 - 2010 Xusuus.com | All Rights Reserved - Site Designed, Developed & Powered by: Ileys Technology Inc.
Top Of Page