Click to Make Xusuus Your Default Page
 
 
Ururka midawga nabada iyo Demoquradiga Somaliyeed oo olole siyaasadeed balaaran ka bilaaabay Yurub
This article was Published at: 08-03-2010 and has been viewed 102 times
Gudoomiye ku xigeenka Midowga Nabadda iyo dimoqoraadiyada oo kulama la leh Jaaliyadda Somalida Holland

Gudoomiye ku xigeenka Midowga Nabadda iyo dimoqoraadiyadda Somalia Proff Mohamud Nur Adow ayaa olole balaaran ka bilaabay qaarada Yurub,wuxuuna safarkiisii ugu horeeyay ku marayaa dalka Holland oo kulama isdaba jooga uu kula leeyahay Jaaliyadda Somalida.


Proff Mohamud Nur Adow oo aan kula kulanay Caasimadda Holland ee Amsterdam ayaa socdaalkiisa ku sheegay mid uu qorshe siyaasadeedkooda ugu bandhigaa Jaaliyadaha dibadda ku nool si ay iskaashi mira dhala ula yeeshaan.


" Jaaliyadaha waxay ka mid yihiin awoodaha waaweyn ee looga baahan yahay dhiirigelinta nabadda iyo dimoqoraadiyada waana sababta aan safarkeyga uga bilaabay Holland si aan qorshaha Midowgeena u fahamsiino dhamaan Somalida dal iyo dibad"ayuu yiri Gudoomiye ku xigeenka Midowga Nabadda iyo dimoqoraadiyadda Somalia.


Si kastaba ha ahaatee ololaha Xisbiga cusub iyo ku dhawaaqistiisa waxay noqotay mid ku beegan xilli la filayo in socdaal uu Madaxweyne Shariif ku yimaado dalka Ingiriiska

Xafiiska Wararka Xusuus Muqdisho

 
 
 
 
 
 
© Copy Right 2009 - 2010 Xusuus.com | All Rights Reserved - Site Designed, Developed & Powered by: Ileys Technology Inc.
Top Of Page