Click to Make Xusuus Your Default Page
 
 
BEEN ABUURKA IYO DACAAYADAHA RAQIISTA AH EE LAGU HAYO AMIIN CAAMIR OO DIGNIIN LAGA BIXIYEY!!.
This article was Published at: 08-03-2010 and has been viewed 2172 times
Nin aduunyo joogoow maxaa aragti kuu laaban!! waa dhacdo runtii aad loola yaabo oo ceeb iyo fadeexad fool ah in qof kasta waxa uu doono iska sameysto, laguna tunto xuquuqda copy right-ka, ama la sameeyo borogbaando been abuur ah oo lagu doonayo in wax loogu dhimo sharafta iyo karaamida uu illaahey bixyey taasina ma ahan wax socon koro oo horaa loogu hungoobay.


Mudooyinkii u dambeeyey waxaa soo ifbaxaayey  daycaado raqiis ah oo ka dhan  ah Farashaxaniistaha caanka ah ee Amiin Caamir Maxamed, taas oo la xiriirta  been abuur lagu sameeyey  Muuqaalka Amiin Camir oo codkiisa cod aan aheyn la saaray, Emailo  wax yar ka duwan  kan Amin Camir , iyo website-yo dhamaantoodna waa kuwo been ah oo sal iyo raad toona laheyn.

“Aad ayaan u qoslay markaan daawaday Muuqaalkan,  waa wax iska cad in la been abuuray, oo qof kasta garan karo danta laga leeyahay,  waxaana u deyneynaa aqristayaasheena iyaga ayaa ka soo jawaabi doono in  Amin Arts halkii aanu Abaal marin iyo Maamuus u sameyn laheyn ma in aan sidaan u galnaa?

Faafinta dacaayadahan raqiista ah ayaa waxa ay soo bilowdeen  mudo haatan laga joogo dhowr sano ka dib markii Sawir sameeyaha Soomaaliyeed  Amiin Caamir uu  noqday sida cadceed duhur taagan oo aan  gacmuhu dabooli Karin, waxaana hubanti ah in  shaqsiyaad naceyb iyo xaasidnimo dilooday ay geed dheer iyo geed gaabanba u fuuleen sidii ay  burush xaar leh u mari lahaayeen magacaas iyo maamuuska uu umadiisa ku dhex leeyahay.

Hadaba baaris dheer ka dib waxaa la helay oo la ogaaday raadka shaqsiyaadkii ka dambeeyey faafinta dacaayadaasi raqiiska ah, waxaanu leenahaya Muxuu caay  Dameer igaga dhimo waa iska ciyayaaye, Koley qof kasta oo caqli leh waa garan karyaa  in waxaasi yihiin been la dhoodhoobay.

Shaqsiyaadka Sameeyey Been Abuurkan oo ah burcada Internetka, ayaa waxa ay sidoo kale  bilaabeen in ay adeegsadaan in magaca Amin Camir  ay ku aflagaadeeyaan shaqsiyaad caadi ah iyo Mas'uuliyiina aad ayaana  uga xunahay in qowlasadaas ay sidaas u dhaqmaan, waxaana  mar kale idinka codsaneynaa in aad ka digtoonaatiin  emailadasi iyo Facebook oo uusan marna isticmalin Amin Arts.

Qofna xaq uma lahan in uu qof kale ka been abuurto, laakiin horay ayaa loo yiri  run sheeg waa ceeb sheeg,  sidaasi daraadeed waxaa umada Soomaaliyeed  lagu wargalinayaa in ay ka digtoonaadaan  Adress-yada beenta ah sida Emailada, iyo  Websit-yada iyo Cinwaanka Facebook lagu sameystay magaca Aminarts  ayna il gaar ah ku fiiriyaan, koley tukush  miro gaari waayey qaraar buu ku tilmaamay.

 Ma ahan wax ku cusub internetka oo horay ayey  u jireen burcada internetka  ee been abuurka sameeyo,  horay ayey  ugu hungoobeen in ay  sharaf dil ku sameeyaan shaqsiyaad soomaaliyeed, waxaase  ugu baaqeynaa in ay ka digtoonaadaan  kana dhex baxaan   waqsaqda iyo gudaafada ay dhex fadhiyaan .

Amiin Caamir oo ah halyey wadani ah oo aan weli ka harin Umadiisa  waxaa xusi doonto taariikhda,  waa u doodaha  dadka dulman, u hiiliyaha nabada, difaacida runta iyo cadaalada, iyo waana shaashada kaliya ee  manta Somalidu ku nafisto.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA SAXDA EE BEEN ABUURKA LAGU SAMEEYEY ORGINAL

SIDEE KALE KAN LA BEEN ABUURAY  COPY ISAGANA HALKAN KA DAAWO

Si kastaba waxaany leenahay hadii aad xishoon weydaan waxaanu soo bandhigi doonaa  ceebtiina iyo shaqsiyaadka aad tihiin waana la is  garanayaa ee inta ay goori goor tahay faraha kala baxa waxa aad ku jirtaan.

Abdirahman Mohamed Hassan Hudeyfi
Email: xudeyfi4@hotmail.com
xusuusnews@gmail.com
Katrineholm_Swedan
www.xusuus.com


 

 
 
 
 
 
 
© Copy Right 2009 - 2010 Xusuus.com | All Rights Reserved - Site Designed, Developed & Powered by: Ileys Technology Inc.
Top Of Page