Click to Make Xusuus Your Default Page
 
 
DAD ISKU DHAMEEYEY Faasas iyo Maqaro tuulo hoos tagto Gobalka Jubada Hoose.
This article was Published at: 08-03-2010 and has been viewed 240 times
Ugu yaraan ilaa 3ruux ayaa dhaawacmay kadib markii kooxo Beero ley ah ay ku yaaceen oo ay kala ooteen dhulbeered katirsan labadii Warshadood ee Mashruucyada Sonkorta iyo Bariiska ee Mareerey iyo Mugaanbow.

 Dadka dhaawacmay ayaa waxaa 2 ka mid ah ay ku guda jireen hawlo ay ku xeendaabanayaan dhulkii Warshadii Mareerey,

 Halka ruuxa kalana uu ku dhaawacmay iska hor imaad ka dhacay Mugaanbow oo hawsha kala xirmaysiga ay si aad ah uga socoto.

 Warku wuxuu sheegayaa in deeganada Dhul beeredyadii labada Warshadood ay dadkuqaab boob ah ku kala xeendaabteen ayadoo lagu arkayo Meelihii uu ka bixijiray bariiska raadad muujinayo Sambalka beerihii Bariiska ee Soomaaliya.

 Dagaalka dhulbeeredkii Mashruucyadii Beeraha ayaa waxaa uu yimaaday xili dadka beeraleyda uu Maamulka Jubbooyinka u fasaxay inay beertaan.

 Waana markii ugu horeysay oo dagaal ceynkan ah uu ka dhaco jubbooyinka walow horay loo bililiqeystay Agabkii Warshadaha.

 Maxamed  Salaad Cabdille

XUSUUS_KISMAAYO
Email;xusuusnews@gmail.com

 
 
 
 
 
 
© Copy Right 2009 - 2010 Xusuus.com | All Rights Reserved - Site Designed, Developed & Powered by: Ileys Technology Inc.
Top Of Page