Click to Make Xusuus Your Default Page
 
 
Wiil Soomali ah oo ku jiray bisha malabka ayaa xalay iska soo tuuray dabaq dheer oo ku yaala xaafada Islii
This article was Published at: 08-03-2010 and has been viewed 722 times
Wiil dhalinyaro ah oo heystay dhalashada dalka Mareykanka dhawaana inuu gabar uu jeclaa la aqal galo u yimid magaalada Nairobi ayaa xalay dabad 7-biyaano ah iska soo tuuray.

Wiilkan is dilay ee dabaqa iska soo tuuray oo da'diisa lagu sheegay 27-jir waxaaa uu ku noolaa gobolka Minisota ee ay Soomalida ku badantahay.

Wiil goob joog u ahaa dhacdadan oo xalay ka dhacday xaafada Jaamka ayaa shabakada Xusuus u sheegay in wiilka dabaqa iska soo tuuray uu ku jiray bishii malabka dhawaana loo aroosiyey gabar uu ka jeclaaday meertada wada shekeysiga Facebook kadibna uu kula aqal galay Nairobi.

Xiligi uu dabaqa iska soo tuurayey ninkaan dhalinyarada ah ayaa la sheegay in xaaskiisa ay ku jirtay qolkooda jiifka ah.

Ciidamada Booliska Kenya ayaa isku gadaamay dhismaha Hong-kong ee uu wiilkan iska soo tuuray , waxaana wali meydkiisa lagu hayaa saldhigaBooliska Bangaani .

Lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa inuu wiilkaan isa soo tuuro waxaase wararka hordhaca ay sheegayaan in uu aad uga carooday muran dhex maray xaaskiisa iyo hooyadiisa .

Warka ayaa intaa ku daraya in hooyada dhashay ay ku amartay inuu furo gabadha ama ay habaareyso.

Baaritaanka ayaa wali socda waxaana aan idiin soo gudbin doonaa dhacdadan halka ay salka la gasho iyo waxa ay ahaato.

Xusuus Nairobi.

 
 
 
 
 
 
© Copy Right 2009 - 2010 Xusuus.com | All Rights Reserved - Site Designed, Developed & Powered by: Ileys Technology Inc.
Top Of Page