Click to Make Xusuus Your Default Page
 
 
Jaaliyadda Denhaag oo maanta si wadajir ah xustay Mowliidka Nebiga NNK-ha ahaatee DAWO SAWIRADA
This article was Published at: 08-03-2010 and has been viewed 171 times
Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Denhaag ee wadanka Nederlands ayaa maanta si wadajir ah u qabtay xuska munaasabadda Mowliidka Nebigeena NNKH-ahaatee, waxaana munaasabadaasi ka soo qeybgalay qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaaladaasi iyo gobolada ku dhowdhow, iyadoo ay wacdiyo diini ah iyo nashiidooyin nebi ammaan ah ka soo jeediyeen culimo kala duwan oo ay ka mid ahaayeen Sheekh Muuse Nuur Sheekh Muuse (Sheekh Muuse Cadde) iyo Sheekh Maxéd Iikaar.

 Sheekh Muuse Cadde ayaa ka taariikheeyey  fiditaankii diinta iyo sidii uu Nebi Muxammad NNKH  ahaatee uu kaamil-yeelay risaaladii uu ALLE u soo dhiibay ee aheyd gaarsiinta ummadda  diinta, wuxuuna ku tilmaamay in la dhigo mowliidka oo la weyneyno dhalashada Nebiga ay tahay arrin aad u wanaagsan oo cid nasaqi kartaa aaney jirin.

 Munaasabadan oo ku dhacday jawi aad u qurux badan ayaa waxaa soo qabanqaabiyey Dr. Max´ed Muuse Guuleed iyo Axmed Xaaji Cali oo ka mid ah waxgaradka ku dhaqan Denhaag, waxaana gabagabadii munaasabadaasi loogu duceeyey ummadda Soomaaliyeed inuu ILLAAHEY ka dul qaado colaadaha,



 Xuska munaasabada Mowliidka ee sanadkan ayaa ku soo beegmaya iyadoo inta badan gobolada Koofurta Soomaaliya ay maamulaan Ururka Alshabaab oo ka soo horjeeda qabashada munaasabada xuska Mowliidka.

 Cabdishakuur Cilmi Xassan

E-mail. cabdishakuur48@live.com

 

 

 
 
 
 
 
 
© Copy Right 2009 - 2010 Xusuus.com | All Rights Reserved - Site Designed, Developed & Powered by: Ileys Technology Inc.
Top Of Page