Wiil 13-jir ah ayaa oo ka soo goostay kooxda shabab ee ka dagaalantay Soomaliya ayaa todobaadki hore iska dhiibay xarunta UNHCR ee magaalada Nairobi kadib markii uu si dirqi ah kaga soo baxsaday kooxdaas oo u adeegsan jirtay dagaalada ay kaga horjeedo dawladda Soomaliya.
Wiilkan yar ayaa magaciisa ku sheegay Asad waxaana uu sheegay inuu ku soo koray nolol aad u adag oo ay soo korsatay ayeeyadii aabihiina uu dhintay xili hore hooyadiina ay tahriib gashay .
Asad ayaa wareysi ay la yeesheen saraakisha UNHCR ku sheegay in noloshaas adag ee ay ku soo korisay ayeeyadii markii dagaalada Muqdisho dhaceen ay ka qaxday isna uu ku biiray kooxda Shabaab markii uu waayey wax uu cuno.
"Wardhiigley ayaan daganeyn markii dagaalada dhaceen oo lakala cararay ayeeyadeey waa qaxday ani waa ka haray waxaana isaga biiray Shabaab maadama aan heysan wax aan cuno iyo cidaan la noolaado"ayu yiri Asad.
Asad ayaa wareysigiisa ku sheegay inuu G/Sh/Hoose ku soo qaatay tababar sadex bil ah kadibna la keenay aaga madaxtooyada ee xaafadiisi hore Wardhigley.
"Waxaan qaadan jiray AK47 aaga hore ee madaxtooyada ayaan ku sii jeeday dhawr mar waa sigtay oo dhimasho ayaan halis u galay saaxibo badan waa waayey inti aan dagaalka ku jirnay waxaan xasuustaa habeen aan weerar qaadnay in aan kaligeey soo badbaaday"ayu yiri Asad oo wali la sii hadlayey saraakisha UNHCR.
Mar uu ka hadlayey sida uu Nairobi ku soo gaaray ayuu sheegay in uu soo raacay amiirkiisi oo soo goosanayey una soo baxsanayey dhinaca Nairobi .
"Anigoo aad u niyad jabsan ayaa waxaan iska soo raacay amiirkeygi oo ii sheegay inuu Nairobi u socdo ana waxaan ka codsaday inuu i geeyaa waana i keenay halkaan ayuuna iiga dhaqaajiyey oo wuxuu sii aaday K/Afrika" ayu yiri Asad.

Xafiiska UNHCR ee magaalada Nairobi ayaa wiilkaan yar u fidiyey caawinaad deg deg ah waxaana lagu xareeyey meel gaar ah isagoo waliba xaalkiisa laga dhigay mid halis ah .
Gudi go'aan ka gaara kiisaska halista ayaa hada u fadhiya sida laga yeelaa xaalka wiilkaas yar ee dagaalada Shabaab u isticmaaleen ,waxaana saraakil UNHCR ka tirsan ay sheegayaan in wiilkaas uu heli doono dib u dajin dal sadexaad.
Shabaab ayaa lagu eedeyaa iney inta badan askareeyaan caruurta aan qaan gaarin ayagoo ka faa'ideysanaya duruufaha caruurta ku korayaan waxaana shabakada xusuus.com oo heshay xogtan ay weli ka walwalsan tahay caruur kale oo sidaan oo kale halis ugu jiro noloshooda.
Isha warka
Xafiiska wararka Xusuus.com
Nairobi_Kenya