Xaalad dawo la'aan ah ayaa laga soo sheegayaa cisbitaalka degmada Ceeldheer ee g/Galguduud
Dhakhaatirta iyo maamulka cisbitaalka Ceeldheer ayaa sheegay in dawo la'aanti ugu darneyd ay la soo daristay cisbitaalka oo ah mid qaban jiray dhamaan adeegyada caafimaad ee ay u baahanyihiin dadka ku dhaqan degmada iyo waliba kuwo uga imaan jiray degmooyin kale .
Dr:Cabdi Nur Sheikh oo ah maamulaha cisbitaalka Ceeldheer ayaa idaacada VOA-da laanteeda Soomaliga waxaa uu u sheegay in xaalad adag uu cisbitaalku xiligaan marayo oo dawo la'aan ah .
Waxa uu ugu baaqay Dr:Cabdi Nur Shiekh hay'adaha samafalka iyo jaaliyadaha dibada ee ka soo jeeda degmada Ceeldheer iney gurmad dawo oo deg deg ah la soo gaaraan cisbitaalka si loo badbaadiyo dad badan oo xaalado caafimaad daro ay heysato.
Dhinaca kale Dr:Cabdi Nur Sheikh waxaa uu ka hadlay abaar ka jirta degmada oo uu sheegay in sanadkaan aanay di'in roobabki xiligi dadkuna ay baahida caafimaad u sii dheertahay mid macluul.
Cisbitaalka Ceeldheer oo la furay 1993 waxaa maalgalin jiray hay'adaha hay'adaha Unfp Cisp , Unicef , iyo kuwa kale.
horey waxaa qorshe cisbitaalka lagu horumarinayo u sameeyey siyaasiyiin iyo ganacsato degmada ka soo jeeda kuwaas oo ilaa xad xiligaas daboolay baahiyihi jiray , waxaana ka mid ah shaqisiyaadkaas magaca leh ee xiligaas u duubtay waxqabadka ganacsade MMGuuled , C/risaaq Isxaaq Iidow iyo xildhibaan Afrax.
Hdaba jaaliyadaha dibada iyo hay'adaha ayaa ugu dambeyn loo diray baaq furan oo ku aadan waxqabadka cisbitaalka.
Xafiiska Xusuus Muqdisho