Gudoomyihi hore ee G/Banaadir Max'ed Cismaan Cali Dhagaxtuur ayaa hambalyo u diray haween weynaha soomaliyeed meel walbaa oo ay daafaha caalamka ka joogaan isagoo ugu hambalyeeyey maalintooda 8-maarso oo shalay ay u dabaaldageen.
Dhagaxtuur ayaa sheegay in haweenka Soomaliyeed ay xaalad adag kaga jiraan dhibaatada dalka ka taagan , waxaana uu sheegay dhibaatadi 20-sano soo socotay tan ugu badan in ay ku dhaceysay ayaga oo ah qeybta ugu nugul bulshada.
Waxa uu ku amaanay haweenka Soomaliyeed sida aanay wali u hilmaamin doorkooda kaga aadan nabad ku soo dabaalida dalka ayagoo wali ah dhibanayaal .
Waxa uu ku aamanay doorki ay ku leeyihiin qorsha walbaa oo mar walbaa la isku dayo in dalka Soomaliya loogu soo celiyo xasiloonimadiisi.
Fariinta bogaadinta ee uu gudoomiyihi hore ee G/Banaadir u diray haweenka Soomaliyeed ayaa imaaneysa xili shalay ay u dabaal dageen maalinta 8-Maarso oo ah malain looo weyneeyo caalamka haweenka .
Xafiiska Xusuus Muqdisho