Click to Make Xusuus Your Default Page
 
 
Beesha Sade iyo Alshabaab oo hishiis hordhac ah ku gaaray Jubooyinka.
This article was Published at: 09-03-2010 and has been viewed 394 times
xili maalmahii ugu dambeesey masuuliyinta sarre ee maamulka xarakada shabababul ee gobblada jubbooyinka ay kulamo xasasi ay la qaadayeen dhamaanba beelaha dega gobbalada jubbooyinka ayaa hadana shaley galinkii dambe qurax licii ayaa waxaa uu hishiis hordhac ah ku dhexmarey gudaha magaalada kismayo maamulka kismaayo iyo waliba Beesha Sadde oo iyagu kamid ah beelaha dega gobbalada jubbooyinka.


Cabdi Warsame Gurux oo sheegatay inuu matalo afhayeenimada Beesha Sadde oo hadlaayay  hishiiskaasi kadib la hadlayey  xusuus.com waxaa uu sheegay in maanta ay heshiis ay gaareen beeshiisa iyo  maamulka  xarakada Al-shabaab ee jobbooyinka waxuuna afhayeenka sheegay in  waxii maanta ka dambeeya   ay beesha  Sadde ay garabtaagantahay islamarkaana ay taageersantahay wilaayada islaamiga  ee gobbalada jobbooyinka.
 
Sidoo kale gudoomiyaha maamulka cusub ee gobbalada  jubbooyinka sheikh   Abukar Cali Aadam  ayaa isna sheegay inay heshiis la galeen  beesha Sadde wuxuuna gudoomiyaha sheegay in beesha Sadde ay ka mid tahay beesha sida aadka ah ugu soo dhaweesey gobbalada jubbooyinka wuxuuna sheikh Abukar cali uu  ka sheekeyey taariikhda beesha Sadde asgoona tusaale u soo qaatey dagaalkii 1994 ka dhacay gobbalka Gedo ee  u dhaxeeyey Ururka altaxaad iyo ciidamada Ethopia.
 
Sikastaba ha ahaatee  heshiiskan ay maanta gaareen maamulka kismaayo iyo Beesha Sadde ayaa wuxuu imaanayaa  xili mudooyiinkii ugu dambeesey ay beelaha dego  gobbalada jubbooyinka ay heshiis lagalayeen maamulka Al-shabaab ee  magaalada kismaayo  ayadoona beesha Saade ay noqonayso beesha 5aad ee heshiis kala  saxiixdaan maamulka xarakada Al-shabaab ee kismaayo, waxaana beesha Sadde horey uga horeeyey beelaha Harti, Absame,  Coormale, Gaaljecel kuwaasi  dhamaantooda wada galey heshiis ceenkaan oo kala ah.
 
Maxamed Salaad Cabdille
     Xusuus_Kismaayo

Email;xusuusnews@gmail.com

 
 
 
 
 
 
© Copy Right 2009 - 2010 Xusuus.com | All Rights Reserved - Site Designed, Developed & Powered by: Ileys Technology Inc.
Top Of Page