Dagaal xoogan ayaa saaka salaadi subaxi kadib ka qarxay xaafdaha W/Muqdisho.
Dagaalka oo ah mid hub nuucya kala duwan la isku adeegsanayo waxaaa saaka si weyn uga dhex muuqda ciidamada Amisom oo taangiyadooda ku dhiririyey wadooyinka aada Kaaraan , Shibis m iyo C.Casiis.
Dagaalka ayaa waxaa saaka qaaday ciidamada dawladda iyo kuwa Amisom .
Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in ciidamada dawladda iyo kuwa Amisom ay u durkeen dhinaca Kaaraan iyo Shibis kadib dib u gurasho ay sameeyeen maleeshiyada mucaaradka.
Dhinaca kale waxaa isa soo taraya war ku saabsan duqeymo saaka laga maqlay wadada warshadaha , waxaana warar xusuus ay si gaar ah u heleyso ay sheegayaan in diyhaarado dagaal ay bartilmaamedsadeen guryo loo maleeyey iney daganyihiin saraakil Shabaab ah.
Dagaalka iyo duqeymaha ayaa ku soo aadaya iyadoo xalay madaxweyne Sharif uu sheegay inuu bil gudaheed ku qabsan doonto dawladiisa guud ahaan dalka.
Kala soco Xusuus wixi soo kordha