Shirkaan oo socday muddo cisho ah, isla markaana uu soo qabanqaabisay Ururka suxufiyinta caalamiga ah ee IFJ ayaa waxaa ka soo qeybgalay hablaha suxufiyiinta Dalalka Carabta waxaana looga dooday mudadii uu socday shirkaasi doorka ay ku leeyihiin haweenka suxufiyiinta ee dalalka carabta mihnada saxaafada
Shirani waxaa Soomaaliya uga qeybgashay wariye Sahra Abdi Ahmed oo ah xubin ka tirsan ururka qaranka suxufiyiinta Somaliyeed ee NUSOJ , waxayna madasha shirka ka aqrisay dhibaatada haysata gabdhaha suxufiyiinta ah ee dalka Somalia gaar ahaanna kuwa ku dhaqan gobollada ugu mushkiladaha badan ee bartamaha iyo Koonfurta Somaliy halkaaso dhibatoyinka haysata hablaha ka howlagala saxaafadda ay sababtu noqotey in ay shaqooyinkoodii waayaan oo ay ka hayaamaan deegaamadooda
Dalalka Ciraaq, Somalia , Falstiin , Suudaan iyo meelaha ay kajiraan xasaradaha aan kala joogsiga laheyn ayaa la sheegay in hablaha suxufiyiinta ah kala kulmaan dhibaatooyinka ugu badan ee la xariria tabinta warar maalmeedkooda
Warbixin lagu daabacay shir sidaan oo kale ururka IFJ uu uqabtey sanadkii hore hablaha suxufiyinta ah ee dalalka Carabta ayaa lagu daabacay in Somalia boqolkiiba todobo iyo toban ay kaga jiraan marka loo eego wiilasha kaalinta saxaafadda taasoo u muuqanaysa mid aad u yar .
Waxaa dhinaca kale ka mid ahaa mushkiladaha haysta haweenka ku dhaqan dalalka carabta ee wariyaasha ah inaysan ula sinnayn dhinacyada dhaqalaaha iyo habka maamulkaba ragga taasoo ah iyaduna in la duudsiiyo xaqa ay u leeyihin haweenka inay meeqaam sare ka gaaraan howlaha ay wadaan.
Muniir Sacruur waa u qeysanaha IFJ ee bariga Dhexe waxuuna shirkaasi ka sheegay inuu yahay mid horumar fiican u leh haweenka kudhaqan dalalka carabta isagoo xusay in ahmiyadda IFJ ay ka leedahay shirkaasina inuu yahay in haweenka suxufitiinta ee dalalka carabta ay isku weydaarsadaan fikiraddooda iyo dhibaatooyinka dhinac kasta ka haysta, dabeetana si guud loo wajaho in wax laga qabto.
Kadib markii uusoo idlaaday kulankaasi saddexda cisha ahaa ayaa si wadajir ah ay ugu dabaaldageen Maalinta Haweenka Adduunka ee 8da Maarso haweenkii , iyadoo xaflad munaasabaddaas lagu weyneynayay ay ka dhacday xarunta Dalladda Haweenka ee Dalka Baxreyn.