Click to Make Xusuus Your Default Page
 
 
Dalka Maldives oo lagu qabtay shir ka dhacay Biyaha Badda hoosteeda, warbixin cajiib ah!.
This article was Published at: 19-10-2009 and has been viewed 1825 times
Dowlada dalka Maldives ayaa markii ugu horeysay biyaha hoostooda ku qabatay shir si ay u soo jiidato dareenka la siiyey khataraha ka imaan kara dunida sii kululaanaysa (Global warming).


Madaxweynaha dalkaasi Mohamed Nasheed, oo xirnaa dharka dabaasha ayaa shir qabtay shir socday 30 daqiiqo oo ka dhacay qotada 20 gacood ama feet biyaha hoostooda xeebta dhinaca waqooyi uga beegan caasimada jasiirada Maldives ee Male.
Maldives oo ah jasiirad qurxoon oo aad u soo jiidata dalka xiiska caalamka ayaa 3 feet uun ka sareeysa heerka badda (Sea-level)

Culumida seyniska ayaa ka digay in jasiiradaasi ay noqon karto mid aan la degi karin mudo ka yar 100 sano oo soo socota, sida ay qortay jariirada Daily Telegraph ee ka soo baxda dalka Britain.


 Aminath Shauna, oo ah isku-duwaha dhacdadan, ayaa sheegay in wasiirada dalka Maldives ay ku qoreen suudadkooda magac website ku boorinaya in la badbaadiyo jasiirada oo ah protectthemaldives.com, taasoo ay uga jeedaan in ay lacago lagu aruursho si loo badbaadiyo jasiirada oo culumada ay sheegeen in aysan sii jiri doonin mustaqbalka oo ay ugu wacan tahay cimilada sii kululaanaysa.

Ururka quusayaasha dalka Maldives ayaa sheegay in wasiirada ka qeyb-galay shirkan ay labadii bilood ee ugu dambeysay qaatay tababaro la xiriira biyaha hoostooda sida shir loogu qaban karo, iyadoo si weyna ugu kalsoonaa shirkan oo ahaa mid aan horey loo arag.

3 masúul oo ka mida golaha wasiirada oo ka kooban 14 xubnood ayaanan ka qeyb gelin shirka biyaha, hoostiisa ah, iyadoo 2 ka mida ragaasi la xiriirshay inay shirka uga baaqdeen  xaaladahooda caafimaad awgeed halka kan seddexaadna uu safar ugu maqnaa Yurub.

Jasiirada Maldives, oo ku taalaa meel dhinaca koonfur galbeed ee dalka Sri Lanka, waxa ay noqotay meel uu si weyn uga socday ololaha la dagaalanka cimilada sii kululaanaysa ee aduunka iyo sidii loo joojin lahaa heerka biyaha jasiirada oo sare u sii kacaya taasoo laga cabsi qabo in biyaha ay harqiyaan Maldives.

By:A.Farah

Xafiiska Wararka Xusuus.com
Email:xusuusnews@gmail.com

 
 
 
 
 
 
© Copy Right 2009 - 2010 Xusuus.com | All Rights Reserved - Site Designed, Developed & Powered by: Ileys Technology Inc.
Top Of Page