Click to Make Xusuus Your Default Page
 
 
Hablaha oo la Xaqiijiyay Inay Ka Boholyow iyo Kalgacal Badan yihiin Ragga
This article was Published at: 22-10-2009 and has been viewed 3511 times
--Dhakhaatiir ka tirsan jaamicadda North Carolina ee ku taala wadanka maraykanka ayaa baadhitaan ay sameeyeen ku ogaaday in dareenka xusuusta iyo isu soo hilowga ragga iyo dumarka isqaba ee aan meel wada joogin ay qalbiga haweenka ku reebto xusuus ka badan yahay ka ragga.

Dhakhtaradan oo 76 (toddobaatan iyo lix) lammaane oo is qaba oo meelo kala duwan oo dunida ah ku kala nool daraasad ay ku sameeyeen ku xaqiijiyeen in dumarku ay ka qalbi nugul yihiin ragga, sidaas darteed ay haweenku ka boholyow iyo caloolyow badan yihiin kana xusuusasho dheer yihiin ragga, halka ragga aysan wax dareen qalbi ah ku reebin arrintaasi, waxaanay sheegeen in dumarka uu ku badan yahay dheecaanka (hormone) lagu magacaabo Oxytocine oo ay dhakhaatiirtani ku sheegeen inuu ruuxa ku siyaadiyo Hilowga iyo kalgacalka qofka uu tabayo ee ka maqan.

Dhakhaatiirtan oo warbixintooda ku qoray wargeys lagu magacaabo Psychosomatic Medicine oo ka faallooda arrimaha caafimaadka oo ka soo baxa dalka maraykanka ayay ku sheegeen in dumarku ay yihiin kuwa uu ku badan yahay hormone-kani kaas oo durbadiiba sababa in ay dumarku gacloodaan ruux ka maqan oo ay xidhiidh leeyihiin waxaa sidoo kale sheegeen in laga heli karo dumarka Hormone-kale oo dedejiya rabitaanka qofka kaas oo isna lagu magacaabo Corticoid,.

Hormone-kan ayaa sababa kalgacalka dhexmara ragga iyo dumarka isqaba xilliga ay ku jiraan farxada arooska (Honey Moon) ama marka ay dhalaan ilmahooda kan ugu horeeya balse ragga ayay baadhayaashani sheegeen in hormone-kani ku yar yahay.

Carina goring oo ah haweeney madax ka ahayd kooxdan baadhayaasha ah ayaa sheegaty in qoysaskii ay ku sameeyeen daraasada ay sidoo kale xaqiiqjiyeen in dumarku ka beer nugul yihiin ragga, sidaas daraadeed ahmiyad ugu weyn ee daraasadooda uga soo baxday ay tahay in Hormone-kan Corticoid uu yahay ka sababa in qalbiga haweenku yahay mid naxariisi ka buuxdo marka loo eego kan ragga.

Tani ma aha daraasadii ugu horeysay ee noocan oo kale ah ee ay samayso jaamicadani North Carolina, balse dhawaan ayay ahayd markii ay ku sameeyeen daraasad tan oo kale ah oo ay ku sheegeen in dadka isticmaala kiniinada kordhiya dareenka rabitaanka ragga iyo dumarka ay ka wanaagsan tahay in ay isticmaalaan qaar ka mid ah khudaarta cagaaran, waayo bay yidhaahdeen khudradani waxay weeye midho dabiici ah waana ay ka wanaagsan tahay kiniinada sanaaciga ah.

Daraasadan oo noqotay mid xaasaasi ah oo dood dheer abuurtay ayaa waxay sheegeen ka dib markii ay dhaqan gashay in dad badan oo USA & EUROPE ku nooli yaqiinsadeen waxtarka khudaartani leedahay kolka loo eego kiniinka kor ku xusan,.

Hassan-Keefkeef
mrkeefkeef@gmail.com

Xafiiska Wararka Xusuus.com
Email:xusuusnews@gmail.com
http://www.xusuus.com/

 
 
 
 
 
 
© Copy Right 2009 - 2010 Xusuus.com | All Rights Reserved - Site Designed, Developed & Powered by: Ileys Technology Inc.
Top Of Page