Gabar lagu magcaabo Nuura Falax Almaaliki ayaa u geeriyootay shalay dhaawac halis ah oo ka soo gaaray shil gaari, waxayba gabadhani ku geeriyootay isbitaalka magaalada Phoenix ee Arizona oo laba toddobaad dhaqaatiirtu kula tacaalayeen iskuna dayeen inay badbaadiyaan.
Gabadhan waxaa shilka gaari uu ku dhacay sabab u ahaa aabaheed oo lagu magacaabo Faalax Almaaliki waxayna ka soo jeedaan dalka Ciraaq iyagoo Mareykanka soo degay bartamihii sagaashameeyadii.
Gabadhu waa 20 sano jir wuxuuna khilaafka kala dhaxeeya aabaheed yimid markii dhaqankii carbeed iyo kii Ciraaqiyiinta ay bedeshay Nuura oo ay la qabsatay dhaqanka Mareykanka, kana kari waayay inay ka joogto dhaqanka gaalada ee ay raacday.

Muuqaalka magaalada Pheonix, Arizona, USA
Nuura ayaa qalliin lagu sameeyay iyadoo shilkaas kadib oo abaaheed sida ula kaca ah ugu weeraray ay noqotay qof kooma ku jirta oo aan miyir lahayn, aabaheed ayaa watay gaari nooca Jeep ah oo uu ku weeraray gabadhiisa wuxuuna shilku ka dhacay degmada yare e Peoria oo galbeedka Magaalada Pheonix ku taalla waa Gobolka Arsizona’e waxayna markaasi la socotay haween kale.
Aabe Falax Xasan Almaaliki wuu baxsaday wuxuuna u baqoolay dalka Ingiriiska laakiin waaxda socdaalka Britian ayaa u diiday inuu galo dalkaasi waxaana dib loogu celiyay Mareykanka oo ay Boolisku ku qabteen garoonka caalamiga ah ee Atlanta, Georgia.
Booliska oo markii hore diiday inay wax war ka bixiyaan kiiskan ayaa sheegay in aabahu qirtay inuu si ulakac ah baabuur ugu weeraray gabadhiisa wuxuuna ku dooday inuu falkan u sameeyay waxa carabtu caanka ku tahay ee ah dhowrista sharafta “Honor Crimes”, wuxuuna caddeeyay inay gabadhu ku tumanay sharaftiisa iyo sharaftii reerkiisa ayna raacday dhaqan galbeed iyo gaallo.
Waa arrin la yaab leh laakiin marka aad aragto sida caruurtii islaamka ugu bedelmeen Yurub iyo Waqooyiga America sow lama oran karo Aabahan reer Ciraaq waa ku saxnaa falka uu gabadhiisa ku sameeyay?
Xafiiska wararka ee Xusuus
Muqdisho – Somalia
Kala soo xiriir: xusuusnews@gmail.com
www.xusuus.com