Guddoomiyaha Baarlamaanka dowladda KMG ah Sheekh Aadan Madoobe ayaa la sheegay inuu si cad uga hor yimid baaqii xubno ka mida xildhibaannada Baarlamaanka ee ku saabsanaa inuu dib u bilaabno kulamadii Baarlamaanka.
60 xildhibaan ayaa shir ay ku yeesheen Muqdisho ku dhaliilay dhowaan guddoomiyaha Baarlamaanka inuu ka cago jiidayo qabashada kulamada baarlamaanka inay qabsoomaan, iyagoo ku eedeyay inuu ujeedooyin gaara ka leeyahay arrintaasi.
Baarlamaanka ayaan wax kulamo ah yeelan wixii ka danbeeyay Bishii ramadaan oo ay fasax galeen xildhibaanada waxayna warar isa soo taraya sheegayaan in xildhibaanno kala duwan ay wadaan qorsheyaal ay doonayaan inay ku soo gole joojiyaan xubno ka mida golaha wasiirada oo lagu tuhmayo inay musuqmaasuq ku kaceen sida wasiirka maaliyadda.
Warar ay xusuus.com ka heshay xogheynta guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa sheegaya in sababta loo shirin waayo xildhibaannada baarlamaanka ay la xiriirto xaalad ammaan oo gudaha dowladda ah, iyadoo Sheekh Aadan Madoobe ku doodayo inuusan baarlamaan ku shirin karin xarun ciidamada ilaalada ka ah aanay mushaar qaadan muddo 6 bilood ku dhow.
Sheekh Aadan Madoobe ayaa ku guuleysan waayay dadaallo badan oo Ra'iisal wasaaraha iyo madaxweynaha uga dalbaday inay mushaar siiyaan ciidamada ilaalada xarunta kmg ah ee Baarlamaanka, taasoo laga yaabo in ujeedo loo yeelay ama duruufta heysta dowladda KMG ah ay ka mid tahay.

Baarlamaanka 550 ka kooban oo intooda badan Muqdisho ku sugan ayaa laf ahaantooda ka mida dhibanayaasha mushaarka la' muddo 5 bilood ku dhow waxayna doonayaan inay xukuumadda Cumar C/rashiid tallaabo ka qaadaan laakiin waxaa muuqata inaysan awoodin shirarkii ay awoodooda ku muujin lahaayeen sida ay soo indha indheysay xusuus.com.
Xukuumadda Ina C/rashiid ayaa la gebi dhacleyneysa sidii ay dhaqaale beesha caalamka ugu yaboohay u heli lahayd taasoo dhibaato ba'an ka soo gaartay iyadoo aan lahayn hab maaliyadeed la aamini karo, miisaaniyadii ugu horeysay ee baarlamaanku ansixiyay oo ahayd 3 bilood ayaa dhamaatay xilli hore tiiyoo xukuumadu lahayn qorshe kale.
Xafiiska wararka ee Xusuus
Muqdisho – Somalia
Kala soo xiriir: xusuusnews@gmail.com
www.xusuus.com