Ciidamada AMISOM ee ka howlgala magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya kana yimid ururka Midowga Afrika waxay ka mid yihiin ciidamad nabad ilaalinta ee Qaarada Afrika ee ay suuragashay in Afrika iyadu isu dirto ciidamo kadib markii ururka Midowga Afrika dib loo habeeyay lagana soo bedelay ururkii midnimada Afrika.
AMISOM oo ku timid dalabkii C/llaahi Yuusuf Axmed ka jeediyay Adis ababa xarunta AU-da aakhirkii sanadkii 2004-ta markii la doortay kadib waxaa loogu talogalay inay tiradoodu gaarto 8000 askari, laakiin ma jirin dalal badan oo ciidamadaasi ku deeqay marka laba reebo Uganda oo ugu horeyntiiba keentay ciidamadii ugu horeeyay, kadibna Burundi.
Ciidamadaasi ilaa iminka lama soo dhameystirin waxayna hadda gaarayaan 5200 askari, howsha ciidamadani waxay is bedeshay markii ay dalka ka baxeen ciidamadii Itoobiyaanka, taasoo keentay in AMISOM ay noqoto awooda ay ku tiirsan tahay dowladda KMG ah.
AMISOM waxaa lagu eedeeyaa inay adeegsadaan awood xad dhaaf ah iyo duqeyn ay dad badan oo shacab ah ku laayaan tiiyoo aanay waxba iska bedelin hab dhaqanka kooxaha ka horjeeda dowladda KMG ah.

Ciidamada AMISOM ee ku geriyooda ama ku dhaawacma dagaalada Muqdisho waxay helaan hanti aan yareyn sidoo kale waxay ciidamadani qaataan lacag mushaar ah oo toban laab ka badan tii ay ka qaadan jireen dalalkooda.
Askariga AMISOM laga dilo waxaa qoyskiisa loo siiyaa mag ahaan lacag gaareysa 100,000 (boqol kun oo doolar) sidoo kale askarigii dhaawacma isna waxaa la siiyaa lacag dhan 50,000 (Konton kun oo doolar).
Sida uu sheegayo afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga ciidamada Uganda Col. Felix Kulayigye ciidamada dhaawacoodu culus yahay waxaa dib loogu celiyaa dalkooda si ay baxnaano u helaan halka kuwii kale ee dhaawacoodu fudud yahay dib loogu soo celiyo Soomaaliya, wuxuuna afhayeenku ka hadlayay 21 askari oo ku dhaawacmay qaraxyadii Muqdisho 17-kii Septembar ee Alshabaab ku qaaday xaruntooda weyn ee magaalada Muqdisho.
Marka aad eegto labadan dal ee Uganda iyo Burundi oo Soomaaliya u soo diray ciidamadooda waxay u muuqdaan inay il dhaqaale u tahay Soomaaliya oo hanti buuran ay ka sameeyaan, tiiyo aan waxba laga soo qaadin dadka Soomaaliyeed ee ay xilli waliba laayaan.
Xafiiska wararka ee Xusuus
Muqdisho – Somalia
Kala soo xiriir: xusuusnews@gmail.com
www.xusuus.com