Click to Make Xusuus Your Default Page
 
 
Mareegaha Google oo cudurdaar ka bixiyay sawir jinsi naceyb ah oo laga sameeyay Michelle Obama
This article was Published at: 25-11-2009 and has been viewed 2413 times
Mareegaha ugu weyn ee isku xira boggaga website-yada dunida ayaa cudurdaar ka bixiyay muuqaal jinsi naceyb ah oo laga sameeyay haweeneyda koowaad ee dalka Mareykanka una dhaxda madaxweynaha dalkaasi Michelle Obama.

 

 

Sawirkan ayaa ah mid la farsameeyay oo muuqaalka wejiga Michelle loo ekeysiiyay Daanyeer waxaana dhacday markii bogga baarista sawirada ee google magaca first lady ama Michelle Obama la geliyo inuu noqdo sawirka koowaad ee soo baxaya, kaasoo sharaf dhac weyn ku noqday xaaska madaxweynaha Mareykanka oo dalkaasi ka mida shaqsiyaadka sida weyn loo qadariyo.

 

Google waxay cudurdaarkeeda ku sheegtay inay dhacdo mararka qaarkood bogageeda isku xiran ee baaritaanka inay khaladaad noocaasi ah keenaan, waxayna toddobaadkii hore sheegtay inay khaladkaas saxday kana saartay sawirkaasi ayna eeda dusha ka saartay shirakdda hosting-ka u ah inay jebisay shuruucdii iyo xeerkii ay la dhigatay,  laakiin kadib ayuu sawirkii dib ugu soo laabtay meeshiisii.

 

Google waxay soo bandhigtay iidheh ay ku sheegeyso in wixii khaladaad dhaca aanay mas;uuliyadeeda ku dhicin marka ay dhacdo in cid wax loo dhimo ee dhibaatadu ka socoto boggaga aanu google ogolaan ee ku soo baxaya baaritaannada, basle aanay marna oglaan meel ka dhaca sawirka Michelle Obama loo geystay.

 

Arrintan waxay dareen ka kicisay dalka Mareykanka oo xoriyada ra’yiga iyo fekerka ku horeeya marka ay timaado xadgudubna aanay kala soocneyn feker xor ah iyo waxyeelo ama ihaano qof lagula kaco.

 Xafiiska wararka ee Xusuus
Muqdisho – Somalia
Kala soo xiriir: xusuusnews@gmail.com
                   www.xusuus.com

 
 
 
 
 
 
© Copy Right 2009 - 2010 Xusuus.com | All Rights Reserved - Site Designed, Developed & Powered by: Ileys Technology Inc.
Top Of Page