Click to Make Xusuus Your Default Page
 
 
SHACABKII SOOMAALIYEED AFKUU FURTAYE, CADOWGII UMADDA MA QUUSTEY? By Wariye Lajecloow
This article was Published at: 07-12-2009 and has been viewed 983 times
Waxay ahayd wax aad looga naxo, lama filaana ku noqotay dhegaha iyo maskaxda bulshaweynta soomaaliyeed iyo tan caalamka ah markii la maqlay war dhiilo leh, kaasi oo sheegaya in la isku qarxiyey goob ku taala hoteel shaamo ee magaalada muqdisho, oo ay ka socotay xaflad si heer sare ah losoo agaasimey oo arday jaamacadeed lagu siinayey shahadooyinkoodii, iyaga oo soo gaba gabeeyey waxbarasho muddo qaadatey oo cilmiga caafimaadka lagu baranayey.


Waxay ahayd xaqiiqdii wax laga naxo, waayo indhihii bulshada ee mustaqbalka ayaa mar qura la weeraray, iyaga oo kaliyana laguma ekeysan oo waxaa lala laayey wasiiro ka tirsan dowladda KMG iyo 2 wariye oo magaalada muqdisho si weeyn looga yaqaaney oo gudanayay waajibkii ka saarnaa umadda oo ah in ay helaan war farxad leh oo ku dayasho mudan.


Hilbaha jarjaran iyo dhiiga qubanaya waxay noqotay natiijadii ay dhaxleen dhalinyaro soomaaliyeed oo arday ahayd oo ku haminayey in ay gaareen yoolkoodii waxbarasho, goobtuna waxay ahayd farxad iyo is hambalyeen, iyaga oo ardaydaasi ay ahaayeen kuwa geesiyaal ah oo waxbarasho kuliyadeed ka waday magaalo caalamka oo dhan uu u aqoonsaday meelaha ugu amaanka xun ee is dilka uu ka yahay wax iska caadi ah.


Mar qura ayaa qof manaxa ah oo aan lahayn damiir muwaadin uu naftiisa kasoo buuxshey walxaha qarxa, dabadeedna goobtii oo dhan ka dhigay goob murugo oo maydka iyo dhaawaca is dul yaalaan.


Bulshada muqdisho dhab ahaantii way ka dhiidhiyeen markii ay isugu soo baxeen banaanbax cabasho ka ah wixi foosha xumaa ee halkaas ka dhacay, waxayna marqaati cad u tahay sida ay uga xunyihiin falkaas damiirka xun ee ka dhacay hotel shaamo muqdisho 3dii bishan.


Bulshada muqdisho waxay soo qaateen calankii astaanta u ahaa qaranka soomaaliya, dabadeedna waxay dareen wada jir ah ku muujiyeen murugada ay ka qabaan falkii argagaxa lahaa ee koox wax magarato ah ay ku laayeen aqoonyahanno soomaaliyeed, wasiiro iyo arday soomaaliyeed.


Hooyga murugada iyo argagaxa ugu weyn waxaan dareemay markii aan warbaahinta ka maqlay codka hooyo soomaaliyeed oo wiilkeeda oo jaamacadda soo afjaray lagu dilay goobta, aad waxaan uga damqaday ereyada ah”lix sano ayaan xabadda jaamacad ugu dirayey aniga is leh marka ay u soo dhamaato ayuu noloshiisa iyo tiina wax taraya, laakiin natiijadeydi waxay noqotey maalintii aan shahaado ka sugayey isaga oo meyd ah in la ii keenay” ayay tiri hooyadaasi soomaaliyeed iyada oo ilmeynaysa.


Xumaanta falka xitaa waxaa marqaati madoonto u ah, iyada oo ilaa iyo haatan cid si rasmi ah u sheegata in la waayey, iyaga oo ka baqanaya in bulshada ay maalin cad kukala baxdo oo hilibkooda la qaybsado. Inkasta oo in wax la qarxiyaa qolo caan ku ah ay jirto hadana warar hor dhac ah oo ilaa iyo hadda la helayo ayaa sheegaya in qofka is qarxiyey uu yahay qof ka tagay qaaradda yurub, iyada oo maskaxda laga xaday loona shegay in jihaad uu yaalo soomaaliya, natiijadii uu dhaxlayna ay noqotay in uu isku qarxiyo hotel shaamo oo uu galaaftey nolosha dad badan oo mustaqbalka dalka soomaaliya waxtar u ahaa.


Bulshada oo dhan waxay weli ku jiraan fikir iyo amakaag codkooduna waxa uu yahay un in maalin kasta la naclado, lahabaaro, la cambaareeyo, laga jiqjiqsoodo wixii ay geysteen qolyaha wax magaratada ah ee laga dhaadhciyey in janada lagu galayo dilka dad muslimiin ah oo qalad looga dhigay in ay danahooda iyo mustqbalka wadankooda ka tashadaan.


Guud ahaan soomaalida gudaha kusugan kasokoow cambaareynta waxaa la qaba soomaalida qurba joogto ah oo iyagu ka maqan wadankii isagana soo cararay, waxayna falkii ugu dambeeyey ku tilmaameen mid aan loo dul qaadan karin oo loo baahan yahay in meel looga soo wada jeesto, lagana hortago qolyaha maangaabka ah ee caadada ay u noqotay laynta dadka astaanta u ah jiritaankeena iyo qaranimadeena.


Si kastaba shacabkii soomaaliyeed afkuu furtay oo waa uu soo jeestey, laakiin su’aasha la is weydiinayo waxa ay tahay qolyihii maangaabka ahaa ee cadowga ku ahaa u madda ma quusteen mise weli waxay soo maleegayaan dhibaato ka xanuun badan tii hore.

 Ogeysiis: hadaba waxaan idiinka codsanaa in aad la gaartaan gar gaar inta yar ee fara ku tiriska ah ee ka bad baaday falkii foosha xumaa ee lagu hoobtay ee ka dhacay Hotel Shamow 3 bishaan fadlan caawi walalaha kale ee u baahan haatan gar gaar si ay u bad baadan adne alle ayaa ajar kaa siinayo.

INAA LI LAAHI WA INAA ILEEYHI RAAJICUUN.

Qore: Wariye Abdifatah Muhudiin Nor "Lajecloow"

Chief Editor Xoghaye.com

OSLO NORWAY

Email: lajecloow@gmail.com

 

 
 
 
 
 
 
© Copy Right 2009 - 2010 Xusuus.com | All Rights Reserved - Site Designed, Developed & Powered by: Ileys Technology Inc.
Top Of Page