Click to Make Xusuus Your Default Page
 
 
AMIN AMIR Halyeey aan ka niyad jabin in Somaliya nabad noqon doonto Daawo wareysi muuqaal ah.
This article was Published at: 10-12-2009 and has been viewed 3482 times
Farshaxanka caanka ah ee Amiin Caamir Maxamed oo wareysi xiiso badan oo dhacyo badan taabanaya siinayey TV laga leeyahay dalka Mareykanka oo lagu magacaabo SOMTV, xili uu halkaasi socdaal ku marayey ayaa waxa uu kaga hadlay arimo la xiriira Farshaxanimadiisa, dhinaca sawirada, Saadaasha somalia ee Mustaqbalka dhaw iyo falcelinta shacabka kaga yimaado sawirada uu soo saaro iyo arimo kale oo badan.

Amiin Caamir  oo wax laga weydiyey bilowga  sameynta sawir gacmeedkiisa iyo horumarka xiligan uu ku talaabsaday  ayaa waxa uu sharaxaad ka bixiyey  in fankiisa uu yahay mid illaahey hibo u siiyey uusana ku imaan waxbarasho   dugsiyadeed oo ku saabsan ARTS-ka  hase yeeshee markii la arakay  awoodiisa iyo  qaabsameyska sawirada ay noqotay  in  si lama filaan ah uga soo muuqdo Masraxyada riwaayadahii somaliya laga dhigi illaa heer markii dambe madaxweynihii hore Maxamed Siyaad lagu aaminay  in sawiradiisa uu sameeyo Amiin Caamir kaliya  ka dib markii laga soo xushay  farshaxaniista badan o oka tirsanaa qeybta borobagaandada oo qaarkood shahaado u  heystay  dhinaca ARTS-ka.

Farshaxanka Amiin Camir Maxamed  waxa uu si qoto dheer ugu sheekeeyey dhacdooyin badan oo xiiso oo uu la kulmay ka dib burburkii dalka intii uusan ka soo bixin, iyo markii uu soo gaaray jabuuti oo uu mudo dhowr sano ah deganaa illaa markii dambe uu shirweynihii Carte iyo Shirar ka horeeyey uu deeqo lacageed oo farshaxankiisa ka imaanyey uu ku bixyey ama ugu kaalmeeyey Shirkaasi, xiligaas oo uu amiin wax ku sawirayey gacantiisa.


Amiin Caamir, waxa uu sheegay horumarka dhinaca farshaxankiisa in ay bilaatay ka dib markii uu soo gaaray Wadanka Kanada oo uu iminka ku nool yahay, hase yeeshee waxa uu faahfaahin ka bixiyey  sababa ku ximbaaray in  farshaxankiisa uu xooga ku saaro arimaha Wadanka Soomaaliya gaar ahaan dhinaca Siyaasada, waxa uuna yiri” Aniga waligeey waxaan jeclaa in aan muujiyo sawirada ka hadlayo dhinaca dhaqankeena iyo quruxda dalkeena, hase yeeshee  maadaama dadkii ay siyaasi wada noqdeen waxaan ogaaday in aysan jirin cid maanta rabto sawiro dhaqan iyo wax la mid ah ka hadlayo laakiin dadku ay xiisaneynayaan kuwa siyaasada sidaasi ayaan ku doortay” ayuu yiri amiin caamir.


Amiin Caamir oo  ka sii hadlyey  dhibaatooyinka uu kala kulmo  sawiradaasi uu soo saaro ayaa waxa uu sheegay in  waqtigii bilowga ah ee uu adeegsanayey  aalada internetka  uu dhibaato xoog leh  kala kulmay sida, aflagaadeyn, hanjabaadyo, iyo in ay ku kala dhintaan rag badan  oo saaxibo ay ahaayeen kuwaas oo   qabiil laabtooda ka guuxayey  iyaga oo dhibsanayo  sawirada  dhab ka hadalka ah, inkastoo  xiligan uu sheegay shalay dadkii hanjabaadaha iyo aflagaadada waday iyo kuwii aan kala dhimayna  ay ogaadeen in ay iga qaldanaayeen maanta ay  fahmeen  waxa uu kartuun  yahay.

Wareysigan oo xiiso gaar ah lahaa  ayaa waxaa muuqaalka  laga arkayey sawirada qaar in uu sharaxaad ka bixinayey . laakiin Amiin caamir wax auu  inta badan ku celcelinayey  in mar waliba  uu ka soo horjeedo dulmiga iyo  dhibaatada shacabka heysato adeegsiga qabyaalada iyo  in si macno daro ah dadka la isaga laayo taasi oo uu sheegay in ay  tahay tan kaliya  ee kaga  dhiidhiyo.

Amiin Caamir oo wax laga weydiiyey  sababta ku kaliftay in har iyo habeen uu il gaar ah ku hayo arimaha Soomaaliya  ayaa waxa uu sheegay in dalkiisa iyo dadkiisa uu  jecel yahay, uuna aad uga damqanayo dhibaatada ka jirto, sidaasi   uu doonayo in uu soo bandhigo xaqiida dalka ka jirto, iyada oo aan cidina laga ganbaneyn,”aniga ajnabiga lacag badan ayey ii ogol yihiin in aan sawiro u sameeyo laakiin waxa aan waqtiga badan u siiyo arimaha somalia  waa  wadaniyad iyo daljaceyl ayuu yiri amiin aamir.


Amiin Caamir waxa uu saadalin fiican ka bixiyey xaalada dalka Soomaaliya isaga oo sheegay  in   xaalada iminka taagan ee arimaha  diinta uu u arkayo derbigii ugu dambeeyey xalkana uu soo dhaw yaahy, waxa dhinaca kale  rajo ka muujiyey in uu dalka ku noqon doono mustaqbalka dhaw hadii nabad la helo  dadkii afkaarta qaldan ka qabayna  ay  wax ka fahmayaan.


HADABA WAREYSIGAN XIISAHA LEH HALKAN KA DAAWO BAY SOM TV

Amiin Caamir oo ah Farshaxaniiste  caan ah, ayaa ku sifoobay, u duude dadka dulman, u hiilihaha nabadda,  taageeraha  dadka samaha iyo wanaaga ka shaqeeyo, soo bandhigaha xaqiiqda dalka ka jirta, ma gabade geesi oo aan ka baqin runta, wadani xalaal ah oo dalkiisa iyo dadkiisa jecel.


Ugu dambeyntii    waxaan leeyahay Amiinoow waxaad tahay Taariikh nool, halgamaa aan la ilaawi doonin, insha allah waad arki doontaa dalkii  aad jecleyd gaar ahaan Muqdisho iyo dadkii aad jecleydba waqti dhaw, illaaheyna raxmadiisa kama quusan doono  insha allah.

Abdirahman Hudeyfi
Email:xudeyfi4@hotmail.com
Katrineholm_Swedan
http://www.xusuus.com/


HALKAN KA DHAGEYSO BARNAAMIJKA HADAL IYO HEES, OO XIISO LEH

 
 
 
 
 
 
© Copy Right 2009 - 2010 Xusuus.com | All Rights Reserved - Site Designed, Developed & Powered by: Ileys Technology Inc.
Top Of Page