Click to Make Xusuus Your Default Page
 
 
Dadka khuuriya habeenkii oo fariin muhiim oo la xiriirta caafimaadkooda loo hayo.
This article was Published at: 11-12-2009 and has been viewed 1728 times
Ma ogtahay in hurdadu muhiim tahay sida Neefsashada oo kale? Mase ogtahay in hurdada fiican ay kor u qaado wax soo saarka qofka (productivity),waxaa la rumeysan yahay in hadii qofka loo diido hurdada 10 maalomood oo isku xiga uu dhimanaayo basle qofku uu noolaan karo cunto la'aan 10 wiig.

Huradu waa muhiim sababta oo ah waa wakhtiga jadhkaaga,naftaada iyo ruuxdaaduba ay dib u soo ceshadaan energy-gii ama tamartii ka luntay,dibna ugu diyaargaroobaan hawl cusub.

Qadarka hordo ah ee dadku u baahanyihin ayaa kala duwan ,balse culimada cafimaadka ayaa ku talisa 8 saacadood oo hurdo ah in qofku u baahanyahay ugu badnaan.arrimaa hoos ku xusan ayaa door ka ciyaara xadiga hurdo ah ee qof helo:- baaxada jidhka qofka,shaqada qofku hayo,dar-darta qofku howl u qabo(motivation),xaalada caafimaad ee qofka, iyo dareenka qofka.tusaale ahaan qofka walaacsan ayaa hela hurdo tayadeedu yartahay oo tashuush badan,wuxuuna qofkaasi dareemaa inuu hurdo badan u baahanyahay,balse wuxuu u baahanyahay ayaa ah hurdo tayo leh.

Dadka maalintii indho-caseysta(hurdo yar seexda) ayaa jidhkoodu tamar ka helaa,culimada caafimaadkuba waxay sheegtaa in hurdadaasi ay qofka ka saacido inuuu habeenki helo hurdo fiican,Nebigeena (NNJHA) ayaa ku taliyey hurdada yare e maalintii oo luuqada carabiga loo yaqaan QAYLUULA.basle dadka ayaa kala duwan qaar ayaa laga yaabaa in hurdada yare e tuhurkii ay u horseedo inay hurto dheer oo dhowr sacadoodo ah galaan.

Sababaha hurada xumeeya!

Waxyaabaha sababi kara in qofku aanu helin hurdo fiican habeenkii ayaa waxaa ka mida:- Maalintii oo qofku seexdo in badan,shaqada oo aadan si fiican oo aad ku qanacsantahay u gudan ama iskuulka oo aadan si fiican u najaaxin(poor performance),Miisaanka qofka oo kordha,Cabsi qofku ka qabo,sariirta oo aad la tagto wer-wer,adoo calooshaadu buuxdo(full stomach) oo aad sariirta tagto,dumarka intaa waxaa u raaci kara uur hadii ay gabadhu leedahay taasi waxay yareyn kartaa qadarka hurdo ah ee ay hesho.

Dadka khuuriya ayaa laga yaabaa in ay saameyso hurdada qofka,waxaa kale oo ay khuradu keentaa khataro cafimaad oo qofka soo wajihi kara sida wadno istaag iyo xidido maskaxda ah oo furma ama xidhma,hadaba qofku hadii uu leeyahay khuro badan waxaa haboon inuu dhakhtar la xidhiidho si joogto ah.


Siyaabaha aad u heli karto hurdo fiican!

Waxyaabah qofka u horseedi kara inuu helo hurdo wanaagsan oo tayo leh ayaa waxaa ku jira:- in aanu cabin coffee sariirta intaanu tagin ka hor,biyo diiran oo qofku ku medho,degaanka aad seexato oo ku haboon meel aad ka heli karto hurdo fiican,sida laydhka oo daciif ah ,ama meel madow,xasilan,ama degen ,qabow iyo sarirta aad ku seexato oo noqota mid ku haboon hurdo,qolka hurdada ee qofku seexdo ayaa waxaa wanaagsan inaany ool TV ama miisa wax lagu akhristo iyo buugaag taas oo qofka akhriska jecel ku riix karta inuu akhris bilaabo.

Culimada caafimaadka ayaa soo jeedisa in 2 ilaa 3 sacadood sariirta ka hor uu qofku cuntadiisa dhameysto,hadii aad leedahay madax xanuun ama xumad waxaad ku kantarooli kartaa waxyaabah xumada jebiya oo aad isticmaasho.

Isticmaalka kiniinka hurdada ayaa ahayn talo wanaagsan,kaniinka hurdadu ma yareeyo walaaca,xumada,iyo niyad jabka oo intuba keeni kara hurdo xumo,intaadan kiniinka hurdada isticmaalin la tasho dhakhtarka,xasuusnowna inaad qabatiimi karto ama caadeysanb karto kiniinka hurdada taasina ma aha waxaad rabto

Ahmed Mohamed Musa
kampala,Uganda
Xafiiska wararka xusuus.com
Muqdisho_Somalia
email:xusuusnews@gmail.com
http://www.xusuus.com/

 

 
 
 
 
 
 
© Copy Right 2009 - 2010 Xusuus.com | All Rights Reserved - Site Designed, Developed & Powered by: Ileys Technology Inc.
Top Of Page