Waxaa sanadkaan lagu qabtay Magaaladda Qaahira ee dalka Masar Tartanta Quruxda Haweenka Carbeed, “Miss Arab”iyadoo ay qeyb weyn ka qaadatay gabar Soomaaliyadeed taasoo ku dhaqaaqeysay Magaca ah Miss Somalia.
Gabadhan Soomaaliyeed ayaa si weyn uga dhex muuqatay, jooga iyo hab dhaqaaqa, medebka soomaaliga caanka ku yahay ee Maaariin casaan xigeenka ah, dhex yaranta iyo dhuubnaanta iyo arimo oo soo jiidasho leh.

Tartankaan ayaa waxaa ka soo qeyb galay 17 wadan oo ka tirsan wadamada Jaamacadda Carabta.

Sagal, gabadha tartanka quruxda Somalia uga qeybgashay
Dhanka kale dadkii nasiibka u yeeshay in ay ka soo qeyb galaan bandhigaan oo lagu soo bandhigaayey quruxda haweenka carbeed, ayaa waxay si’aad ah ula dhaceyn qaab wanaagii, dhaqaaqii xiisaha lahaa, iyo hidaha iyo dhaqanka ay soo bandhigtay Gabadhaan Soomaaliyadeed oo mataleysay Dadka iyo dalkaba.
Sidoo kale wadan walbo oo carbeed wuxu soo xushay gabadha ay isleeyihiin wey ugu qurxoon ama wey ugu jir wanaagsan tahay.

Isku soo wada-duuboo Tartankaan oo ay ka soo qeyb galeyn 17 dal oo carbeed ayaa waxaa sanadkaan nasiibka quruxda heshay Gabar u dhalatay Boqortooyada Sacuudiga, taasoo loo-caleemo saaray in ay noqotay Gabadha ugu qurxoon wadamada carbeed sanadka 2009.
Xafiiska Wararka Xusuus.com
Muqdisho_Somalia
Email:xusuusnews@gmail.xom
http://www.xusuus.com/