Horudhac:- waxaan halkaan ku soo gudbin doonaa Ilaah idinkiis sheekoooyin dhowr ah oo ku saabsan Luusiya (lucia) waa sheekooyin kala duŽduwan balse qaar baan ka soo qaadan doonaa Ilaah idinkiis, arinta ku saabsan in ay xaaraan tahay Luusiya iyo in kale waxaan ka wareesan doonaa culamo soomaali ah.
13ka dicember waa maalinta loo dabaaldego ama la xuso Luusiya,Maalinta Luusiya ee la xuso waxaa loogu magac daray (Sankta Luucia), marka ay ka sheekeeynayaan Luusiya waxay yiraahdaan sidatan:- Waxay ahay naag awliya ah ama barakaysan ahna masiixiyad,kana tirsan qaybta Katalooga ee diinta masiixiga (Kiristaan). Sanka Lucia waxay ahayd gabar daŽ yar kuna dhalatay Syrakusa magaalda Sicillien wadanka Talyaaniga.

Waxaa maamulka dalkaa haystay waa xilligii ay Luusiya nooleed e Roomaniyiin.
Roomaaniyiinta maŽaysan aaminsanayn diinta masiixiga sidaa daraadeed bay Luusiya u dileen 13 dicember 304 dhalashadii Nabi ciise kadib.
Dad badan oo aqoonyahano ah ayaa ku dooda in ay hubaan in Luusiya dhab ahaan u jiri jirtay, waxayna aaminsanhihiin in loo dilay diinteeda awgeed.

Sheekadaa waxaa bar-bar socota mid kale oo ah:-Luusiya waxaa la yiraahdaa waxay ahayd haweenay geesiyad ah, waxaa dhacday in Luusiya ay guursanaysay nin Roomini ah oo aan aaminsanayn diinta masiixiga, berigaana kol hadii gabar la guursanayo waa in ay sidataa dhibaadkii lagu guursan lahaa,haddii ay noqon lahayd lacag,xoollo, ama waxyaabo kale oo qaali ah.

Hase yeeshee Luusiya dhibaadkii lagu guursan lahaa waxay siisay dad faqri ahaa oo masiixiyiin ahaa degnaana magaalada Syrakusa, ninkii guursan lahaa Luusiya markii uu maqlay sheekadii ayuu u sheegay Roomaaniyiintii markaa meesha xukuntay, Roomaaniyiinta waxay isku dayeen in ay dilaan Luusiya oo waxay ku hafiyaan biyo wayna u suuroobi wayday kadibna waxay isku dayeen in ay gubaan oo ay dilaan iyaga oo seef caloosha ugu dooxay, dhiigii caloosheeda ka soo yimi wuxuu ku dareeray cambuurkii cadaa oo ay markaa gashanayd.
Sidaa awgeed baa mar walba oo Luusiya loo dabaaldegayo gabadha masalaysa Luusiya dhexda loogu xiraa maro gaduudan (cas).
Waxaa kale oo jirta sheeko kale taas oo oranaysa:- Waxaa jiray gabdho badan oo Luusiya saaxiib laŽahaa aaminsanaana diinta masiixiga cabsi ay ka qabeen Roomaaniyiinta ayay waxay ku dhuunteen god, halkaas oo ay Luusiya cuno ugu gayn jirtay, Luusiya goor walba oo ay saaxibadeed u tagayso waxay gacmaha ku qaadi jirtay cuno madaxana waxay ku xiran jirtay xarig kadibna shumacyo bay ku qaadan jirtay si ay u aragto godka gabdhaha ay ku jiraan.
Maanta marka la xusayo Luusiya waxaad arkaysaa in shumacyo madaxa ama gacanta lagu wato.

Waxaa kale oo jirta sheeko kale oo oranaysa:-Nin amiir ahaa oo boqortooyada Roomaaniya oo markaas jirtay baa wuxuu jeclaaday Luusiya.
Luusiya waxay lahayd indho aad u qurxoon baa la yiraahda, amiirkana wuxuu jeclaaday indhaha Luusiya, amiirka ma uusan ahayn masiixi.
Luusiya markii ay ogaatay in amiirka uu indhaheeda jecelhayay bay indhaheedii iska soo tuurtay, amiirkina kolkii uu arkay sida ay Luusiya eebeheeda u aaminsan tahay buu soo galay diinta masiixiga, luusiyana waxay eebe ka heshay indho cusub oo aad u qurxoon. Sidaa awgeed baa loo yiraahdaa Luusiya waa haweenay bad-baadisa indhaha ahna awliya, weliba gabadha maslaysa Luusiya waa marka la xusayee waa in ay tahay gabar aad u qurxoon lehna indho aad u qurxoon.

FG:-Ulajeedada aan u soo ururiyey sheekadaan baa waxay tahay:-
Waxaan la kulmay dad badan oo soomaali ah oo doonaya in ay wax ka ogaadaan, waxa ka danbeeya Luusiya.
Ma xaaraan baa mise? Waxaan u daynaya culamada.
Asc
C/caziz Baliile
ziizbaliile@hotmail.com