Baadhayaasha caafimaadka aduunka ayaa cadeeyay in Haweenka todobaad walba cuna hilibka kaluunka ugu yaraan hal mar, ay dhalaan caruur aad u caqli badan isla markaana maskax fiican.
Caruurta ay dhalaan dumarka quuta hilibka kaluunka ayaa sida warbixino caafimaad oo is daba joog ah lagu ogaaday waxay dhalaan caruur firfircoon jidh ahaan iyo maskax ahaan, sidoo kale ayaa la sheegay in ay caruurtaasi ku fiicnaadaan barashadda luuqaddaha qalaad, sida baadhitaanadu xaqiijiyeen waxay caruurta dumarka kaluunka isticmaalaa dhalaan ay dhinaca walba kaga fiicaan yihiin caruurta dhigooda ah ee aanay hooyooyinkood quudan hilibka kaluunka, ama hadii si kale loo dhigo caruurta hooyooyinkood quutaan cuntooyinka caadiga ah ee aanu kaluunku ku jirin.
Daraasadan oo ay ka qayb galeen 341-hooyooyin iyo caruur da'doodu tahay 3-jir isugu jira ayaa cadaysay in caruurta hooyooyinkood isticmaalaan kaluunka ugu yaraan hal mar todobaadkii ay ka arag iyo aqli fiican yihiin caruurta dhigooda ah ee aan hooyooyinkood isticmaalin kaluunka. Jariiradda 'Independent' ee ka soo baxda dalka Ingiriiska ayaa sheegtay in baadhayaasha caafimaadka ee jaamacadda Hard ford ee dalka maraykanku oo baadhitaanka dhawaan sameeyay ay cadeeyeen in dumarka laba goor usbuuc walba hilibka kaluunka cunaa, ay xidhiidh taasi la yeelato koriinka caruurta iyo barashadda luuqadaha ee ubadkaas oo ka sareeya ka caruurta kale ee aanay hooyooyinkood cunin kaluunka.
Gabagabadii ayay daraasadani hooyooyinka kula talisay inay badsadaan isticmaalka hilibka kaluunka gaar ahaan nooca cad ee af-ka qalaad lagu yidhaahdo Haddock iyo Cod kuwaas oo heerkoodu sareeyo isla markaana aan lahayn saliida midabka ah. Daraasadan ayaa haweenka kula talinaysa inay iska ilaaliyaan cunista badan ee Kaluunka toonaha ama qasaaca ku jira oo saliid badan leh isla markaana uu ku yar yahay maadada calcium ka loo yaqaana.
Hassan Hussein Abdillahi [Keefkeef]
Xafiiska Wararka xusuus.com
Email:xusuusnews@gmail.com
http://www.xusuus.com/