Click to Make Xusuus Your Default Page
 
 
MALEESHIYO SHIICO AH oo Soomaliya soo gaartay si ay Shabaab garab u siiyaan
This article was Published at: 20-01-2010 and has been viewed 1788 times
Maleeshiyo ka tirsan shiicada Xuutiyiinta Yemen ka dagaalanta ayaa soo gaartay Soomaliya si ay uga barbar dagaalamaan kooxda Shabaab .

Maleeshiyada oo aan la ogeyn tiradooda waxaa todobaadki hore xaqiijiyey afhayeenka Shabaab Cali Dheere.

 

Maleeshiyada shiicada Xuutiyiinta waxaa la sheegay in  saldhigyo gaar ah looga sameeyey duleedka S/xoolaha .

 

Goob jooge magaciisa diiday aya u sheegay Xusuus.com in uu arkay maleeshiyadaas oo u labisan qaab labiska Iiraaniyiinta iyo Xisbul laahida Xasan Nasralah ee ka dagaalanta K/Lubnaan.

 

Soomaliya oo  ku jirta dab mudo 20-sano oo ay ku hardamayeen mudooyinki dambey kooxo diimeedyo ka been sheega diinta ayaa hada waxaa ay u muuqata iney so kordheen shiica oo aan waligood Soomaliya saameyn ku yeelan soona gaarin madhabkooda .

 

 

 Xafiiska Xusuus ee Muqdisho
Email:xusuusnews@gmail.com
http://www.xusuus.com/

 

 
 
 
 
 
 
© Copy Right 2009 - 2010 Xusuus.com | All Rights Reserved - Site Designed, Developed & Powered by: Ileys Technology Inc.
Top Of Page