Click to Make Xusuus Your Default Page
 
 
SOOMAALI IYO KENYAATI loo adeegsanayo Jilitaanka Filim ka hadlayo Daarfuur.
This article was Published at: 22-01-2010 and has been viewed 1142 times
Shirkad Denmark ah oo adeegsaneysa Barakacayaal Kenyaati iyo Soomaali si ay u sameeyaan Filim loogu magac daray “Aargudasho” ,kaasoo lagu matalayo falal ka dhacay Gobolka Daarfoor ee Galbeedka Suudaan.

 Wasaaradda arrimaha dibadda ee Suudaan ayaa waxa ay daaha ka rogtay in Shirkad Denmark oo loo maleynayo inay u shaqeyso Hey’ad  Sirdoon ay sameyneyso Filim looga hadlayo Gobolka Daarfoor , waxaana cinwaan looga dhigay “ The Revenge” Aargudasho  , waxaana loo adeegsan doonaa tiro dad ah oo qaarkood ay yihiin Kenyaan ka soo jeeda Nuubiyiinta Suudaan degta si ay u matalaan dadka afrikaanka ah ee dega Daarfoor , iyo koox Kenyaan asalkooda Soomaali uu yahay oo  ku matalaya Filimka “Maleeshiyada Carbeed “ ee loogu magac daray “Janjawiid”.

 Filimka ayaa lagu sameyn doonaa gudaha Xera Barakacayaal Kenyaati ay ku nool yihiin oo ku taala deegaanka GELGIT ee Bartamaha Kenya, waxaana dadkaasi Kenyaan-ka ah ay halkaasi u barakaceen dhacdooyinkii rabshadaha lahaa ee ka dhacay dalkaasi doorashooyinkii madaxtinimo kadib.

 Wasaaradda arrimaha dibadda Suudaan ayaa waxa ay warmutiyeedka ay soo saartay oo ay faafiyeen qaar ka mid ah wargeys-yada carbeed ay ku sheegtay in filimkan la filanayo in la soo bandhigo ka hor dhamaadka bishan January, ujeedkana uu yahay sidii dabka ka holcaya Daarfoor loogu sii kordhin lahaa baanziin , taasoo hadda loo doon doonayo xal dhameystiran , waana arrin aanay jecleysan doonin wadamo badan oo reer galbeed ah oo u arka maslaxadooda inay sii huriyaan colaada gobolkaasi ka aloosan , si ay u fushadaan ajandayaashooda iyo ujeedooyinkooda oo noqday kuwa u cad  dadka oo dhan.

 Wasaaradda Arrimaha dibadda Suudaan waxay Bayaankeeda ku xustay in arrinkan uu imaanayo xilli Denmark looga bartay colka ay u heyso islaamka iyo Muslimiinta , waxaana ay horey u soo bandhigeen Filimaan iyo sawiro gacmeedyo ay meel kaga dhacayeen nabigeena Suuban Muxamad Nabad iyo Naxariisi korkiisa Allah yeelee.

 Waxaa la sheegaa in filimkan ka dhex sameyntiisa gudaha Kenya uu sababay in ururo badan oo u dooda xuquuqda Bani’aadamka ay ka muujiyeen cabashooyin in Shirkadda laga leeyahay wadanka Denmark ay kaga faa’ideysaneyso jilitaanka iyo sameynta filimkan duruufaha adag ee heysta barakacayaasha Kenyaan-ka iyo Soomaalida ee gudaha Kenya ku nool.

 W/tarjumay : Ali Abdi Ali “suheifa”

asuheifa@hotmail.com

Mogadishu-Somalia

 

 
 
 
 
 
 
© Copy Right 2009 - 2010 Xusuus.com | All Rights Reserved - Site Designed, Developed & Powered by: Ileys Technology Inc.
Top Of Page