Click to Make Xusuus Your Default Page
 
 
DEKADA MUQDISHO SHALAY IYO MAANTA !(Warbixin sawira wadata)
This article was Published at: 05-02-2010 and has been viewed 1406 times
Dekedda Muqdisho oo ah Dekedda ugu weyn uguna tacab dhalin badan Dekedaha Soomaaliyeed waxaa la furay sanadkii 1977 ayadoo arrimaha Dekedda Muqdisho ay soo bilowdeen sanadkii 1964 una soo jiitameysay sababo kala duwan oo ay ugu horeysay midda Maalgelinta.
Sababta Dekedda Muqdisho looga dhigay mid maraakiibta ku soo xirtaan (Berthing System) waxay aheyd in la daboolo baahida adeeg ee Maraakiibta si loo fududeeyo culeysyada ka dhalan karay tayo xumida adeegyada oo sababi karay sicir barar I.W.M.


Dekedda Muqdisho waxaa lagu maalgeliyay Deyn dhan US$ 12,900,000.00 iyo EDF Grant dhan US $12,500,000.00 iyadoo lacagtaas loo isticmaalay dhisme ka kooban hirjebiye (Break Water), Laba (2) Marso Badeecad Guud hal (1) Marso oo ah Xoolaha iyo mid Muuska lagu raro.

Waxaa intaas wehliyey dhismo bakhaaro iyo tashiilaad kale iyaddo sannadkii 1975tii Dekedda Muqdisho lagu kordhiyey marso dheeri ah oo loogu talo galay badeecadda Guud. Guud ahaan dhismayaasha Dekedda ka jira waxay ku faahfaahsan yihiin Mapka Dekedda oo memorandumka ku lifaaqan.

Dekedda waxay ku shaqaynaysay habka ku faahfaahsan sharciyada hoos ku taxan oo qeexaya waxay hanti ahaan u yeelanaysay, waajibaadkeeda shaqo iyo ilaha loo qorsheeyey in dakhliga uu ka soo galo.



· NO. 62 ee 1962 Abuurista Dekedaha

· NO 70 ee 1970 Dib u habeynta Dekedaha

· NO 1 ee 07/01/1971 Dib u habeynta Dekedaha

· NO 63 ee 20/09/1990 Dalacsiinta Dekedaha (Hey’ad dhaqaale)


Xisaabaadka Dekedda

Mabada’ ahaan Dekedda waxaa loogu tala galay in ay noqoto mid isku filan ayadoo ku xisaabtameysa dakhliga ka soo gala adeegyad ay fuliso iyo kharajyada ku baxa socodsiinta howlaheeda oo ku qeexan sharciyada sare ku sheegan, intaas waxaa u dheer in ay soo saarato faaiido ku salaysan boqolkiiba qadar wadarta maalgelinta (% on total investment).


Nidaam ahaan Dekedda Muqdisho waxay ku shaqaynaysay habka Hay’adaha madaxa bannaan (autonomous Agencies) ayadoo dakhiga soo gala iyo kharajyada baxa lagu qeexi jiray dokumentis waafaqsan hab xisaabeed ay ku taliyeen Bankiga adduunka kuna jiray shuruudihii lala galay Dawladda markii la galayey heshiisyada maalgelineed ee Dekedda oo isugu jiray Maalgelinta 1aad, balaarinta dekedda, iyo qaybta kaga beegantay Mashruuca Casriyeynta Dekedaha. Intaas waxa wehliyey in Dokumentisyada xisaabaadka ay wateen Magaca Dekedda haseyeeshee laga soo diiwan gelin jiray Xafiiska Xisaabaha Guud ee Dawladda, waxaana khasab ahayd in Dekedda noqoto mid isku filan dhaqaale ahaan ayadoo lagu xisaabtamayey ilaha dhaqaale ka soo geli jiray adeegyada ay fulinaysay, qalab badeedka iyo midka berriga ay haysatay, bakhaaradda iyo tashiilaadka kale ee ay laha

ab xisaabaadkIntaas II

Nasiib darro, dagaaladii sokeeye iyo musiibooyinkii dabiiciga ahaa sida Tsunamga waxay saameyn weyn ku yeesheen tas-hiilaadkii Dekedda ay lahayd oo isugu jiray dhisme, qalab iwm. Waxaana arrintaas ay sabab u noqotay in Dekeddu uu dakhligeeda ku soo koobmo waxa loo yaqaan Port Charges on ships oo wax kale daayoo aan ku filnaan karin kharajyada loo yaqaan administrative expense.


SIDA AY AHEYD DEKEDDA MUQDISHO DFKMG KA HOR

1dii Bisha Jannayo 2007, hawlaha maamul iyo nebadgelyo ee Dekedda waxay aheyd mid aad u burbursan lana qeybsatay burburkaas dalka intiisa kale waxaa adkeyd in Dekedda looga shaqeeyo heerka waafaqsan Dekedaha Caalamka iyo kuwa aan deriska nahay burburka baaxada leh ee soo gaaray awgii, waxaana la oran karaa howsha Dekedda waxay ka bilaabatay meel aad u hooseysa (Below Zero) marka loo eego sidii Dekeddu ahaan jirtay maadaama hantidii Dekedda dhan la biliqeystay


1) DHISMAYAASHA DEKEDDA

Waxaan burbursanaa Guud ahaan Dekedda, laga soo bilaabo Albaabada laga soo gala Dekedda, Saldhiga Booliska, Bakhaaradii, Dhismayaashii Xafiisyada Maamulka Dekedda, Derbiga ku wareegsan Dekedda, Dhismihii Waaxda Badda oo gabi ahaan burburay, meelo badan oo ka mid wadooyinka dhulka baabuurta xamuulka marta Dekedda gudaheeda hoos ayeey u disay waxayna noqotay meel biyaha degaan.

Burburka Bakhaarada Dekedda 2007


* Falaarta Gaduudan Meel ka mid ah meelaha uu ka dumay Wareega Darbiga Dekedda.

* Falaarta Buluga Dhismana Waaxda Badda oo burbursan


2) NADAAFADDA IYO AMAANKA DEKEDDA

Nadaafadda Dekedda waxay aheyd mid aan jirin Waxaana meel kasta yaalay Qashin Fara badan oo sidii Buuro oo kale noqday, meelaha qaarna waa lagu saxaroon jiray sababo musqula yari owgeed.


Amaanka Dekedda wuxuu ahaa mid aan caga badan ku taagneyn waxaana dhici jirtay in Alaabo laga xado shixnadaha ka soo dege Dekedda lagala baxi jiray Meelaha ka jajaban Daribga Wareega, Dekeddana ma laheyn Albaab laga galo iyo mid laga soo baxo.

Dekedda Muqdisho oo Qashin laga Daabulayo

3) QALABKA SAARISTA / DEJINTA (Cargo Handling Equipment)


Qalabkii Saarsita / Dejinta ee Dekeddu laheyd oo ka koobnaa in ka badan 75 Qalab oo isugu jiray (cranes, forklifts, trailers, tractors, gooseneck pallets, slings) dhamaan waa la bililiqeystay, waxayna Dekedda ka heli jirtay dakhli fara badan, waxaa si ku meel gaar ah lagu shaqo bilaabay Qalab ay leeyihiin Shirkado Private ah.


4) KORONTADA IYO BIYAHA DEKEDDA


Dekedda ma laheyn Koronta joogto ah waxayna heysatay Matoor yar 150 KVA oo si aan wanaagsanayn u shaqeynayay waxaana la shidi jiray Habeenkii kaliya Nalal Faarayaal ah oo lagu qaaday fiilooyin toos ah loona rari jiray hadba Marsadii ay shaqo ka socoto,. Gabi ahaan ma shaqeynayn systemkii korontada, Pannelka Furayaash, Fiilooyinka hoos mara Dhulka Hoose, Baalayaashii Nalalkana waxay noqdeen kuwa daxaleystay oo burburay waxaana la dhihi karay ma jirin koronto ay Dekeddi ku shaqeyn karto.

Mid ka mid ah 3-da Matoor ee hada Dekedda ku shaqeyso

Matoorkii Dekedda ku shaqeyneysay 2007

5) BULAACADAHA / KORONTADA DHULKA HOOSE MARTA

Bulaacadaha Dekedda Muqdisho oo Qashin Xiray 2007

Dekedda waxay lahaan jirtay Bulaacdo biyaha Roobka qaad guud ahaan Dekedda laga soo bilaabo Albaabka laga soo galo ilaa iyo Badda waxayna biyaha ku shubi jireen Badda waxayna u sameysnaayeen si Habeysan (Modern Drainage System) Nasiib Daro 18kii sano ee Dowlad la’aan jirtay ma helin wax dayactir ah, Waxaana loo isticmaalay Godad qashinka lagu shubo taasna waxay keentay in ay Bulaacadihi ay gabi ahaan xirmaan, Dekediina ay yeelato meel u muuqato sidii Harooyin oo kale oo xiliyada Roobka da’a ee dadka ku dabaashaan.

6) JARDIINOOYINKI DEKEDDA

Dekedda Muqdisho waxay laheyd Jardiinooyin waaweyn oo loogu tala galay in Macaamiisha Dekedda ay ku nastaan, waxayna qeyb lixaad leh ka ahaayeen bilicdii ee Dekedda Muqdisho kaga horeeysay Dekeddaha aan deriska nahay, Markii XFKMG ee soo magacowday Maamulka Dekedda Muqdisho, waxay ugu timid Dekeddii oo noqotay meel aan geed la harsada laheyn iskaba daa Jardiina lagu nasto.

7) BAARKI DEKEDDA MUQDISHO


Dekedda Muqdisho waxay lahaan Jirtay 2 Makhaayadood mid ee ka cunteeyaan Muruqmaalka iyo macaamiisha Dekedda iyo mid ay ka cunteyn jireen shaqaalaha iyo Maamulka Dekedda Muqdisho waxayna labadoodaba burbureen xiligii Dowlad la’aanta, tanina waxay sababtay in Macaamiishii Dekedda iyo Muruqmalkii ee waayaan meel aan cunto ka cunaan.


Waxaa ka jirtay Dekedda biyo la’aan baahsan taasoo qeyb ka aheyd Nadaafad la’aantii jirtay waxaana adkeyd in la helo biyo ay dadka Muslimiinta ah ay ku weysa qaataan iyo Masjid ay ku cibaadeystaan Dekedda ma jirin Ceel Biyo oo ay leedahay waxaa biyaha loogu dhaami jiray Gaari Dameero iyo Booyado oo waxba ka tari karin baahida biyo ee jirtay.



8) MARSO DHOWRAYAASHA (FENDERS)


Marso Dhowrayaashii ku dheganaa Dekedda badankood waxay ku dhaceen badda, kuwa harayna waxay ahaayeen kuwa aan ku habooneyn isticmaal, waxaa kale oo fender ahaan loo isticmaalayay Taayaro Darbiga lagula xiray silsilado, Maraakiibta iyo Doonyahana dhib weyn ayeey ku qabeen.



9) DHIBAATOOYINKA BIYAHA BADDA HOOSTOODA


Waxaa jirtay 2007 in Dekedda aysan damaanad qaadi karin in ay kusoo xirtaan Maraakiibata guntooda hoose (Draught) ay ka dheer tahay 8 meter sababo biyaha hoostooda oo ay ku jireen Steel bars, pipes, steel cradles, heavy L-beams, cement blocks,fishing nets and sunked tugboats.


Sidoo kale waxaa horay ugu degay kuna dhex jiray badda xiligaas 2 Tug Boat oo dhererkoodu dhan yahay (approximately 25 and 35 metres length / LOA) Berth No 2 taasoo aanay suura gal aheyn in ay shaqeyso Marsada Berth No.2.


WAXQABADKII MAAMULKA DEKEDDA MUQDISHO 2007 – 2009


Markii XFKMG soo Magacowday Maamulka Dekedda Mudisho dhamaadki Bisha December 2006 waxaa ugu horeyn Maamulka xooga saaray sidii loo sameyn lahaa shuruucdii iyo Tacriifadii ee Dekedda ku shaqeyn laheyd iyo soo Daabicida Documentigi lagu socodsiin lahaa shaqooyinka Dekedda sida (Receipt Voucher, Payment, Voucher, Tallysheet Gatepass etc) waxaa intaas bar bar socotay shaqaaleynta qeyb ka mid ah shaqaalihii hore ee Dekedda oo Maamulka Dekedda u arkay in ay yihiin shaqaalaha kaliya ee system ahaan Dekedda kusoo celin kara sidii ay beri ahan jirtay. Marki la dhameystiray howshaasi, Maamulka Dekedda isla markiiba Tacriifadii iyo Liiska Shaqaaaha wuxuu u gudbiyay XFKMG oo saldhigeedu ahaa Magaalada Baydhabo waxaana loo ansaxiyay si waafaqsan sharciga.


1. NADAAFADDA DEKEDDA


Dekedda Muqdisho oo xiligaasi ay yaaleen qashin is biirsaday una ek sidii buuro oo kale ayna suurogal aheyn caafimaad ahaan in lagu dul shaqeysto, ayaa Maamulka Dekedda Muqdisho oo kaashanaya shaqaala weynaha Dekedda Muqdisho waxay u guntadeen in si “Iskaa wax u qabso” ah loo wajaho arrinta Nadaafadda Dekedda, waxaana sida ka muuqata Dekedda Muqdisho lagu guuleystay in Dekedde dhexdeeda laga waayo bacaha la isticmaalo iskaba daa qashin meel yaala.

2. ALBAABADA DEKEDDA

Dekedda Muqdisho waxay laheyd meelo badan oo si sharci daro looga soo geli jiray sidoo kale ma laheyn Albaab laga soo gala iyo mid laga baxo Dadka iyo Arigaba waxay ka soo geli jireen hadba meeshii ay doonaan wxaaana dhici jirtay mararka qaar in Alaabo laga xado Dekedda lagala baxo meelaha sare ku xusan.

Maamulka Dekedda Muqdishu wuxuu Xanibaad ku sameeyay dhamaan meelihii sida sharci darada looga soo geli jiray wuxuuna Sameeyay Albaab laga soo gala iyo mid laga baxo oo kaliye taasina waxay sahashay in Amaank Dekedda si sahlan loo kontaroolo.

Albaabka laga soo galo Dekedda

Albaabka laga baxo Dekedda Muqdisho


3. DAYACTIRKA BAKHAARADA


Dekeddaha Muqdisho waxay laheyd 4 Bakhaar oo loogu tala galay in lagu keydiyo Badeecada aan sida toos uga bixin Dekedda ( indirect delivery), kuwa aan dhameysan habraaca bixinta badeecadaha iyo kuwa ku yimaada Dekedda hab Transit, waxaana Dekedda ka soo geli jiray dakhli badan. Nasiib daro Bakhaarada Dekeddda lama dayactirin 18ki Sano ee Dalka Dowlad la’aanta ka jirtay inkastoo ay ka badbaadeen in la bililiqeysto hadana waxaa aad u saameeyay Dagaaladii sokeeye ee dalka ka jiray kaasoo oo u geystay burbur baaxad leh.



Maamulka Dekedda Muqdisho wuxuu dadaal dheer u galay sidoo loo dayactiri lahaa Bakhaarada Dekedda si ay Dekedda Muqdisho ula tartanto Dekeddaha aan Deriska nahay waxayna ku guuleystay in Bakhaarada Dekedda lagu soo celiyo sidii ay ahaayeen xiligii hore, waxayna Bakhaarada Dekedda Muqdisho awood u leeyihiin in ay Keydiyaan Badeeco dhan 50,000 MT.


4. KORONTADA IYO BIYAHA DEKEDDA



a. Biyaha


Dekedda Muqdisho waxaa biyaha iyo korontada siin jiray Wakaaladii Xooga Korontada iyo biyaha ee Dowladii Siyaad Bare, xiligaas ka dib Dekedda ma laheyn meel ay biyo ka qaadato waxaana biyaha lagu dhaami jiray Booyado iyo Gaari Dameer taas oo aan haqabtiri karin baahida biyo ee Dekedda ugu weyn Soomaaliya.


Maamulka Dekedda Muqdisho wuxuu xooga saaray sidii loo heli lahaa biyo ku filan Dekedda Muqdisho, wuxuuna ka qoday Dekedda Muqdisho gudaheeda isla markaana howl-geliyay 2 Ceel biyood taasina waxay dabooshay baahidii biyo ee ka jirtay Dekedda Muqdisho.


Sidoo kale waxaa Maamulka Dekedda Muqdisho wuxuu ka dhisay Dekedda Muqdisho Barkad lagu keydiyo Biyo oo qaadi karta 25,000 Liter taasoo suura gelisay in ay Dekedda hesho biyo ku filan nadiifna ah.


Waxaana Dekedda Muqdisho qorshaha ugu jira in ay dhawaan keenaan Warshada lagu sifeeyo Biyaha.


b. Korontada Dekedda

Markii Maamulka Dekedda Muqdisho la soo magacaabay bilowgii sanadkii 2008 Dekedda waxay isticmaaleysay Matoor yar Private ah oo aan waxba ka qaban karin baahida koronta ee Dekedda.

Maamulka Dekedda Muqdisho wuxuu dib uga shaqeysiiyay Matoorkii weynaa ee Dekedda kaasoo muuqaal ahaan Dekedda yiilay balse ay ka maqnaayeen dhamaan wixii qalab ah ee uu ku shaqeynayay, waxaana Maamulka Suurta geliyay in la rakib 2 Generator cusub taasoo Dekedda Muqdisho ka dhigtay in ay hesho koronto la isku haleyn karo suura gelisayna is Dekedda awood u yeelato in ay shaqeyso 24 saac si hakad la’aan ah.

Waxaa Kale uu Maamulka Dekedda Muqdisho dib u habeyn ku sameeyay Godadka Korontada Marta, Switch-yadi laga shidi / damin jiray Korontada iyo bedelida dhamaan Baalayaasha Dekedda, waxayna hada korontada Dekedda ku shaqeysaa International Standard System.

Matoorka Cusub Dekedda Muqdisho 320KVA


5. JARDIINOOYINKA DEKEDDA (BILICDA DEKEDDA)


Sida aan la socono Dekeduhu waxay ka mid yihiin meelaha laga dheehdo wadan waliba horumarkiisa iyo bilicdiisa. Sidaas darteed Maamulka Dekedda Muqdisho wuxuu muhiimad gaar ah siiyay siduu uu usoo celin lahaa Jardiinooyinkii Dekedda iyo Sameynta Jardiinooyin Cusub si Dekedda Muqdisho bilic ahaan ay ula tartanto Dekedaha kale.

Sidoo kale Jardiinoyinka waxay muhiimad gaar ah u leeyiihiin Macaamiisha Dekedda iyo shaqaalaha Maraakiibta oo u baahan Goobo ku haboon nasashada.


6. MASJIDKA DEKEDDA.


Dekedda Muqdisho waxay ka mid tahay meelaha ugu mashquulka badan ee isugu yimaadaan Dadka Soomaaliyeed ee Islaamka ah waxaana Maamulka Dekedda Muqdisho u arkay in ay lagma maarmaan tahay in la helo Masjid ee ku cibaadeystaan Shaqaalaha iyo Macaamiisha Dekedda wuxuuna ku guuleystay in uu dhiso Masjid ay u dhameystiran yihiin dhamaan adeegyada muhiimka sida weysaqaad, Musqulo, Jardiin iyo Mukeefyo lagu tala galay in lagu qaboojiyo Masjidka..

7. SOO IIBIN QALABKA SAARISTA & DEJINTA


Dekeddu ma laheyn wax qalab Saaris / Dejin midna waxa ay isticmaali jirtay Qalab ay leeyihiin Shirkaddo Private ah, waxaana lagama maarmaan aheyd in la helo Qalab ee Dekedda leedahay. Inkastoo Maamulka Dekedda dhaqaale ahaan uusan buuxin Karin baahida Qalab ee Dekedda ka jirta hadana wuxuu ku guuleystay inuu soo iibiyo qaar ka mid ah qalabyada muhiimka u ah shaqada Saarista / Dejinta wuxuuna soo iibiyay .. Forklift --- Tractor - Trailer


8. SOO IIBIN BAABUUR DABDAMIS

Dekedda Muqdisho waxaa mar waliba dhex yaal Hanti fara badan oo ay leedahay Dowlada iyo mid shibil ah oo ay leeyihiin Ganacsato Soomaalieed. Sidoo kale waxaa Dekedda laga soo dejiyaaa Shidlaalka laga isticmaalo wadanka taasoo sababi karta in mar waliba uu dab ka kaco Dekedda dhexdeeda.

Hadaba si loo badbaadiyo Hantida faraha badan ee dhex taala Dekedda ayaa Maamulka Dekedda Muqdisho wuxuu soo iibiyay Gaari Dab-damis ah oo mar waliba heegan ugu jira hadii ay timaado khatar ku saabsan Dab ka dhex qarxa Dekedda

9. QASHIN KA SOO SARISTA BIYAHA BADDA



Dekedda Muqdisho waxaa horay ugu degay Dooman Kaluumeysi, Tugboats, waxaa kale oo biyaha dhexdooda ku jiray Biro culculus, iyo qashin fara badan taasoo saameyn ku laheyd habsami u socodka Dekedda, soo saarista qalabkaasna u baahnaa dhaqaale aan Maamulka Dekedda awoodi Karin.

Sidaas darteed Maamulka Dekedda wuxuu waqti badan ku lumiyay sidii Hey’adda Deeq bixiyayaasha gacan uga geysan lahaayeen soo saarista Qashinkaas, waxaana ugu danbeytii suura gashay in Hey’adda WFP iyo Maamulka Dekedda Muqdisho iska kaashadaan soo bixinta Qalabka ku jriay Dekedda. Haddane Alle Mahadii Dekedda waxay la jaanqaadi kartaa Dekedaha kale ee Gobolka.


10. BEDELIDDA DHAMAAN JUG DHOWRAYAASHA (FENDERS)


Darbiga ku dhereren Goobta Baroosin Dhigashada oo cabirkiisu dhan yahay 1000m Jug dhowrayaashii ku xirnaa waa ay baaba’een qaarkoodna waxay ku dhaceen badda lamina bedelin sidii loo aasaasay Dekedda. Maraakiibta kusoo xirta Dekedda waxay dhib weyn ku qabeen ayagoo toos ugu dhici jiray Darbiga Dekedda. Sidoo kale Darbiga Dekedda waxaa mar waliba burbur u geysanayay Maraakiibta.


Si taas looga hortago waxaa loo baahnaa in la helo jugdhowrayaal (fenders) waxaana Maamulka Dekedda Muqdisho ku guuleystay bedelida dhamaan fJugdhowrayaashii hore iyo Rakibidda Jugdhowrayaal Cusub



11. DHISMAHA GURIGA MARTIDA



Dekedda Muqdisho waxaa mar waliba soo booqdo Hey’addo ay Partner la tahay iyo Khubaro Dhinaca badda ah waxaana muhiiim aheyd in la helo Meel Amaankeeda wanaagsan yahay (safe & sound) oo la dejiyo Martida howlaha shaqo u imaaneysa Dekedda.

Ayadoo la fiirinaayo baahidaas ayaa Maamulka Dekedda Muqdisho asigoo kaashanaya Hey’adda WFP wuxuu dhisay Guriga Martida oo ah Guri degaan una qalabeysan sida 4 Star Hotel.


12. HOOLKA TABABARADA SHAQAALAHA DEKEDDA (TRAINING HALL)

Dekedda Muqdisho waxay lahyed Khuburo aqaan durugsan u leh sida ay Dekedda u shaqeyso balse nasiib daro 20ki sano ugu danbeeyay uu wadanka burbursanaa ma jirin dhalinyaro soo bartay aqoonta Badda & Dekedaha (Marine Education) khuburada hada joogto Da’ ahaan waxay ku dhow yihiin Howl gab.


Sidaas darteed Maadaama aysan jirin Dugsiyo laga bartao aqoonta Badda Dekeddana ayu baahan tahay shaqaale da’ yar aqoona u leh Badda ayaa Maamulka Dekedda Muqdisho wuxuu go’aansaday in la dhiso Hoolka Tababarada Shaqaalaha Dekedda oo loo isticmaalayo Tababarka Shaqalaha Dekedda Muqdisho.

Xafiiska wararka xusuus.com
Muqdisho_Somalia

Email:xusuus@live.se
http://www.xusuus.com/

 
 
 
 
 
 
© Copy Right 2009 - 2010 Xusuus.com | All Rights Reserved - Site Designed, Developed & Powered by: Ileys Technology Inc.
Top Of Page