Shabakada Warbaahinta Xusuus, waa Websitge, si madax banaan oo tifaftiran idinka haqab tiri doono xusuusta dhacdooyinkii hore, sida taariikha, dhacdooyin maalmeed, waribixnada la xiriira, madadaalada, sida isboortiga, fanka iyo dhaqanka, iyo Arimaha Bulshada.
Shbakada Xusuus waxaa dhibada u aasay Rug cadayaal saxaafadeed, oo mudo dheer nolosheeda ku soo qaatay arimaha warfaafinta, waxa ayna haatan u heelan yihiin sidii ay idinka haqabtiri lahaayeen, Warar iyo dhacdooyin isu dheeli tiran oo aan dhinacna u xaglineyn.
waxaan aaminsanahay Madax Banaanida Saxaafada, ilaalinta illo wareedyada, Anshaxa Saxaafada, waxaan balan qaadeynaa kuna dadaaleynaa in aad noqotaan dadka ugu horeeyo ee aqkhrista ama dhageysto xusuusta dhacdooyinkii hore iyo kuwa haatann.
Dhismaha Shabakadan Xusuus.com kuma imaan si laab la kac ah, waxaana asal u ahaa suurto gal ma tahay in la helo keyd ma guuraan ah oo aruuriyo taariikhdeena iyo dhaqankeena sii lumayo, si raad raac loogu sameeyo shalay maanta iyo Berito.
Waxaan soo dhaweyneynaa aaraah kasta oo idinka timaado, waxaan diyaar u nahay in aan idinku adeegno si daacadnimo, ku jirto hufnaan iyo howlkarnimo, waxaadna xili kasta nahay wehelkiina runta ah, waayo War ninkii helo ayaa talo wacan helo, waxaad maqashay sheegna waxaa ka quman waxaad aragtay sheeg.
Hal heyska aan ku howl galeyno ayaa waxa uu yahay Markaad heshaa xog kugu filan ayaad xalka gaari kartaa, eryaga ugu dambeeyo waxaan idin leeyahay waanu idin heelanahaye ee idinkana haruubka gacalada u hoorsada.
La Xiriir Maamulka Shbakadda Xusuus.com
xusuusnews@gmail.com ama xudeyfi4@hotmail.com
|